Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Itoobiya Iyo Jabhadda OLF Oo Heshiis Nabadeed Kala Saxeexday

focus

Dawladda Itoobiya Iyo Jabhadda OLF Oo Heshiis Nabadeed Kala Saxeexday

(SLT-Asmara)-Dowladda Itoobiya ayaa heshiis nabadeed la saxiixatay jabhadda hubeysan ee OLF.

Heshiiska ayaa lagu saxiixay magaalada Asmara ee caasimadda dalka deriska ah ee Eritrea oo saldhig u ah jabhaddaasi.

Wasiirka warfaafinta ee dalka Eritrea Yemane Gebremeskel ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeyay jabhadda OLF ay si nabad ah hawlaheeda siyaasadeed ugu qabsan karto gudaha dalka Itoobiya.

Jabhaddani ayaa bishii la soo dhaafay ku dhawaaqday xabbad joojin kaddib muddo sanado ah oo ay dagaal ba’ani kula jirtay dowladda Itoobiya.

OLF ayaa dooneysay in gobolka Oromia ee ay degto qowmiyadda ugu tirada badan dalkaasi Itoobiya ee Oromo uu ka tashado aayahiisa.

Baarlamaanka dalka Itoobiya ayaa dhawaan jabhaddani ka saaray liiska kooxaha argagixisada ahi.

Arrintan ayaa timid kaddib markii ra’iisalwasaaraha cusub ee dalkaasi Abiy Axmad uu la yimid isbadal siyaasadeed oo xal loogu raadinayo dhibaatada dalkaasi Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top