Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Soomaaliya Oo Taageertay Mowqifka Sacuudigu Ku Hakisay Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed Ee Canada

focus

Dawladda Soomaaliya Oo Taageertay Mowqifka Sacuudigu Ku Hakisay Xidhiidhkii Diblomaasiyadeed Ee Canada

(SLT-Muqdisho)-Dawladda Soomaaliya ayaa war saxaafadeed ka soo saartay tallaabadii dowladdii Sacuudi Carabiya ku joojisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dalka Canada.

War saxaafadeed ku qornaa afka Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu taageeray mowqifka Sacuudiga ee diidmada fara-gelinta dalka Canada.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si dhow ula socotay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay xidhiidhka Dawladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya iyo Canada”ayaa lagu yidhi War saxaafadeedka.

“Iyadoo laga ambaqaadaayo arrinkani, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa taageeridda mowqifka diidmada ee Dowladda aanu walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ee faragelin dibadeed oo lagu sameeyo arrimaheeda gudaha, iyadoo la tixgelinayo mabda’a aan oggolaanayn faragelin ee lagu caddeeyay Axdiga Qaramada Midoobay, oo ay ku jirto gobonnimadeeda iyo madax bannaanida go’aan gaariddeeda iyo waxa ay jideyso oo ah siyaasado ama habab garsooreed oo xiriir la leh shuruucdeeda qaran.”

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay rajeyneysaa Riyadh iyo Ottawa inay ka gudbaan khilaafaadkooda si xidhiidhkoodu u sii socdo oo saldhig u ah kalsooni iyo xushmad is dhaafsi.

Canada ayaa todobaadyo ka hor ugu baaqday dowladda Sacuudiga inay sii deyso dadka u dhaq dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo xuquuqda haweenka oo ay dhowaan xabsiga u taxaabtay, waxaana ka mid ah haweeney caan ah oo lagu magacaabo Samar Badawi.

Dawladda Sacuudiga ayaa aad uga cadhootay hadalka dalka Canada, waxaana ay joojisay dhammaan iskaashigii ganacsi iyo maalgashi ee labada dal u dhaxeeya, iyadoo u yeedhay Safiirkeeda, isla markaana ku amartay in muddo 24 saac dalka uga baxo safiirka Canada u fadhiya Riyadh.

Ma aha markii u horreysay ee dowladda Soomaaliya ay taageerto mowqifyada Sacuudiga ka qaadato dalalka reer galbeedka ee fara-gelinta ku sameeya arrimaheeda gudaha, waxaana sanadkii 2015 ay dowladda Soomaaliya cambaareysay faragelinta Sweden ku sameysay dalkaas.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top