Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg-deg Ah: Cabdi Maxamuud Cumar Oo La Qabtay

focus

War Deg-deg Ah: Cabdi Maxamuud Cumar Oo La Qabtay

(SLT-Jigjiga)-Wararka inaga soo gaadhaya dalka Itoobiya waxay sheegayaan in madaxweynihii shalay xilka ka degay ee dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ay ciidammada militariga federaalka la tageen.

Balse dad ku sugan Itoobiya ayaa xaqiijiyay in Cabdi Maxamuud cumar la qabtay.

Ilaa hadda lama garanaya halka ay u kaxaysteen ciidammada militariga.

Shalay ayay hayd markii madaxweynihii dowlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.

Waxaa madaxweynaha cusub loo magacaabay Axmed Cabdi Sheikh Maxamed.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top