Connect with us

somalilandtoday.com

Shacabka Dalka Bangladesh Oo Qabanaya Shaqadii Booliiska Taraafikada!

focus

Shacabka Dalka Bangladesh Oo Qabanaya Shaqadii Booliiska Taraafikada!

(SLT-Bangladesh)-Muddo ka badan hal isbuuc, waddanka Bangladesh waxaa ruxaya dibad baxyo waaweyn oo ka dhashay dhimashada labo carruur ah oo ku geeriyooday shil gaadhi.

Dadka mudaharaadaya, oo ay aad ugu badanyihiin dhalinyaro ayaa dalbanaya in dowladdu ay tallaabo u qaaddo sidii loo xoojin lahaa nabad gelyada waddooyinka.

Dibad baxa ayaa abuuray is mari waa xoog leh, waxaana ay rabshado ka dheceen qaar ka mid ah jidadka magaalada caasimadda ah ee Dhaka, oo ay ku noolyihiin dad gaaraya 18 million oo ruux.

Waa tan sida ay arrintu ku billaabatay.

Maxaa kiciyay bannaan bixii ugu horreeyay?

29-kii bishii July, labo carruur ah oo arday iskuul ah, kuwaasoo kala ahaa wiil iyo gabar ayuu magaalada Dhaka ku dilay gaari bas ah oo u socday si xowli ah. Darawalka ayaa loo maleeyay in uu lumiyay xakameynta gaariga isagoo xilligaas la tartamayay bas kale oo ay u baratamayeen qaadista dad rakaab ah.

Shilkani wuxuu la mid ahaa kuwa caadiga ah ee maalin walba ka dhaca magaalo ay waddooyinkeedu halis yihiin iyo waddan ay dad ka badan 4,000 oo ruux oo jidadka lugeynayay ugu geeriyoodeen shilalka gaadiidka sannadkii lasoo dhaafay.

Hase ahaatee sidaasoo kale durbadiiba loogama gudbin, ugu horreynba waxa uu sababay caro xoogan oo lagu muujiyay baraha xiriirka bulshada ka dibna waxaa xigay mowjado mudaharaadyo ah oo ay billaabeen ardayda iskuullada.

Tobanaan kun oo arday ayaa isugu soo baxaya waddooyinka waaweyn iyo kuwa yar yare e magaalada Dhaka, iyagoo xiray jid walba, taasoo sababtay in ay gebi ahaanba xayiranto magaalada.

Mudaharadeyaasha ayaa istaajinayay gawaarida xamuulka ah, basaska iyo baabuurta kaleba, iyagoo dalbanayay in ay ka eegaan shatiyada darawaliinta iyo shuruucda kale ee gaadiidka loogu fasaxo in ay jidadka kaga howlgalaan.

bannaan bixii ugu horreeyayLahaanshaha sawirkaEPAImage captionbannaan bixii ugu horreeyay

Howshaas ayaa ah mid sida caadiga ah ay u fuliyaan ciidanka nabad gelyada waddooyinka ee loo yaqaanno Taraafikada.

“Waxa kaliya ee aan rabno waa in musuqmaasuqa uu dhammaado isla markaana la joojiyo bixinta shatiyada gaadiidka ee loo qaato sida nacnaca,” waxaa sidaas BBC-da u sheegay 17-jir ka mid ah mudaharaadeyaasha.

Sidey xaaladdu isugu beddeshay qalalaase?

Dibad baxyada oo dhif iyo naadir ka ah dalka Bangladesh ayaa sii socdy maalmo iyadoo kumannaan arday ahna ay magaalada caasimadda ah xannibayeen.

Adeegyadii isu socodka basaska ee gudaha magaalada iyo meelaha kale ee waddanka ayaa la joojiyay.

Maalintii sabtida ahayd, waxaa lasoo tabiyay in booliska ay sunta dadka kaga ilmeysiisa iyo rasaasta cinjirka ah u adeegsadeen mudaharaadeyaasha, sidaasna ay ku dhaawaceen dad fara badan – inkastoo ay masuuliyiinta beeniyeen arrintaan.

Waxaa sidoo kale jiray isku dhacyo u dhexeeyay mudaharaadeyaasha iyo kooxo taageersan dowladda, oo sida lagu soo warramay xubno ka ah ururka Bangladesh Chhatra League (BCL), oo ah urur arday oo gacan saar la leh xisbiga talada haya ee Awami League party.

Ururka BCL ayaa xitaa lagu eedeeyay weerarro loo geystay suxufiyiin – kuwaasoo xitaa looga burburiyay taleefanno iyo kaamirooyin – taasoo uu wargeyska maalinlaha ah ee Daily Star ku qeexay “xad gudub cad” oo loo geystay xoriyadda hadalka ee warbaahinta.

Xilli ay rabshadahaan socdaan, habeenkii sabtida koox hubeysan ayaa weerartay kolonyo gaadiid ah oo uu la socday safiirka mareykanka u fadhiya dalkaas.

Axaddii, nin caan ah oo u dooda xuquuqda dadka ahna sawir qaade laga yaqaanno waddankaas oo lagu magacaabo Shahidul Alam ayaa loo taxaabay xabsiga kaddib markii uu barta xiriirka bulshada ee facebook soo dhigay qoraal uu uga hadlayo dibadbaxyada.

Xariggiisa ayaa yimid saacado kaddib markii uu si xooggan dowladda ugu dhaleeceeyay habka ay ula tacaaleyso mudaharaadyada xilli uu wareysi siinayay televishinka Al Jazeera.

“Waxaan su’aalo ka weydiineynaa macluumaad been abuur ah oo uu u gudbiyay warbaahin kala duwan iyo qoraallo caro abuuraya oo uu soo dhigay baraha xiriirka bulshada,” Waxaa sidaas wakaaladda wararka ee AFP ku yiri Moshiur Rahman oo ah sarkaal ka tirsan booliska.

Sidey ardaydu isku abaabuleen?

Maadaama inta badan dadka mudaharaadaya ay yihiin dhalin yaro, la yaab ma laha in baraha xiriirka bulshada ay door muhiim ah ka qaateen isku xirka mudaharaadeyaasha iyo gudbinta wararka oo uu ka mid yahay warkii ugu horreeyay ee dhimashada labada carruurta ah.

Dadka u dooda xuquuqul insaanka ee waddankaas ayaa baraha xiriirka bulshada u adeegsanaya in ay warbaahinta caalamka ka codsadaan tabinta akhbaaraadka ku saabsan mudaharaadyada.

Sidee looga fal celiyay?

Dowladda Bangladesh ayaa ballan qaaday in ay wax ka qaban doonto habacsanaanta ka jirta nabad gelyada waddooyinka.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyay xeer cusub oo lagu xoojinayo nabad gelyada waddooyinka oo in muddo ahba ay dhibaatooyin ka taagnaayeen.

Hase ahaatee saraakiisha dowladda ayaa si cad u sheegay sida ay u doonayaan in deg deg loo joojiyo dibadbaxyada oo waji gabax ku xukuumadda ay hogaamiso haweeneyda lagu magacaabo Sheikh Hasina.

Taas ka sokow, Dowladda ayaa xayirtay adeegyada internetka ee 3G iyo 4G si ay u xakameyso isticmaalka baraha xiriirka bulshada.

RabshadoLahaanshaha sawirkaEPAImage captionRabshado

Ms Hasina ayaa Axaddii ardayda ugu baaqday in ay guryahooda dib ugu laabtaan.

Dhanka kale, Qaramada midoobay ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay xaaladda nabad gelyo ee dhalinyarada ka qeyb qaadaneysa mudaharaadyada.

Safaaradda mareykanka ee dalka Bangladesh ayaa qoraalka ay soo saartay iyana si kulul ugu cambaareysay booliska dalkaas in ay si qallafsan ula tacaalayaan dibadbaxyada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top