Connect with us

somalilandtoday.com

Shabakad Isku Xidhan Oo Musuq-Maasuqday Lacagtii Rooga Garoonka BURCO Iyo Moganaanta Xukumadda Muuse Biixi.

focus

Shabakad Isku Xidhan Oo Musuq-Maasuqday Lacagtii Rooga Garoonka BURCO Iyo Moganaanta Xukumadda Muuse Biixi.

Wasiirro Iyo Agaasimayaal Guud Oo Fudeydiyey Adduunka La Muquqay + Madaxtooyadda Oo Xogogaal La,aan Ku Fasaxdey 20,000 Oo Dollar, 147,000 Kun Oo Dollar oo La Baafinayo Halka La Mariyey Iyo Miliqsiga 60,000 Oo Qabyo hadhsan ah

(SLT-Hargeysa)-Shabakad isku xidhan oo baylihisay roogii cagaarnaa ee la dhigi lahaa garoonka kubada cargta burco ee ALAMSEY kaas oo loogu talo galay in la dhigo garoonka si uu ula jaanqaado garoomada casriga ah ee dalka sida hargeysa boorame, laascaanood iyo gabilay oo la dhigay, waxaana ilo xogogaala oo wargeyska sahan helay tibaaxayaan in shaqadii dhigida rooga garoonka burco ay isku cuna duubeen masuuliyiin wasiirro iyo agaasimayaal guud ah iyo xubnihii qaatay mashruuca balaysimka ALAMSEY,
waxaaney xoguhu sheegayaan in hore loogula baxay cahdigii xukuumaddii madaxweyne siilaanyo lacag dhan 147,000 kun oo dollar taas oo xoguhu tibaaxeen in uu ku gacan siiyey wasiir boos mirre xiligii uu ahaa wasiiru dawlaha maaliyadda lacag taas oo lagu tagri falay si ka baxsan hanaankii xukuumaddu ugu talo gashay in loo maro, sidoo kale roogii cagaarnaa ee la soo iibiyey yaa ku bacad dhoomay xaafado ka mid ah magaaladda burco waxaana in muddo ah yaalay guriga Maxamed Gorad iyo beerta aadan garas halkaas oo uu muddo bacadyaal noqdey halka markii dambe loo soo qaadey marfash ku yaala xaafadda jahliyadda ee magaaladda burco oo bacadkii ku dishoodey,

isla markaana baylahdiisu isqoorsatay maadaama marba meel lagu qarrinayey taas oo sabab u noqotay inuu u dayacmo inaan dan laga lahayn aan ahayn in lacagu lagu lunsado taasina ay badka keentay in horumarkii dhallinyarada togdheer weydowdo. Xogaha ayaa iftiimiyey in hadda madaxtooyadda Somaliland ay u dhamaysay lacag dhan 20,000 kun oo dollar si hawlihii dhigida rooga ee qabyoobay loo dhamaystirro.

balse madaxtooyadda ayaa moogan baylahda rooga loogu talo galay garoonka burco ee la dhutinaya musuq ku yimi lacagtii kal hore la gula baxay waxaana suura gal ah haddii ay ogtahay xogtan in aaney ufudeynseen lacagtan, xogaha ayaa tibaaxay in wasiirka ciyaaraha Somaliland uu u fududeeyey in madaxtooyadu u dhamayso lacagtaa cusub waxaana iyana la sheegay in ay qab ka yihiin agaasimihii guud ee ciyaaraha cahdigii madaxweyne siilaanyo Maxamed dhabeeye oo imika ah agaasimaha wasaaradda xidhiidhka goleyaasha kaas oo la garab ah shabakadda loo gacan galiyey mashruucan ee musuqay halka wasiirka ciyaaruhuna uu miisaaniyadda ugu daray 7,000 kun dollor sidoo kale waxaa iyana jira in xabuubtii rooga loo haysto dayn lacageed oo dhan 2,000 kun oo dollar isla markaana lagu xidhay bakhaar ku yaala ka soo horjeedka agagaarka garoonka kubadda cabta burco ee ALAMSEY waxaana lagu xidhay laba qaful oo waaweyn si aan loola bixin. Waxaana la qorsheeyey shax lagu dhigayo in roogii oo kala dhiman isla markaana xumaadey lagu wareejiyo badhasaabka togdheer.

Waxaana jira jira iyana lacagtii lagu dhigi lahaa roga garoonka burco oo lagu qiyaasay 60,000 kun oo dollar taas oo la doonayo in shaqsiyaad gaar ah la siiyo iyadoo aan loo marin sifaha sharciga ah ama aan mashruuca loo tartamin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top