Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Ruushka Oo Washington U Direy Ergey U Dhashay Maraykanka

focus

Madaxweynaha Ruushka Oo Washington U Direy Ergey U Dhashay Maraykanka

(SLT-Washington)-Dowladda Ruushka ayaa atoore caan ah oo u dhashay Maraykanka u magacowdey ergeygeeda gaarka ah ee u fadhiya magaalada Washington, si baa la yiri uu wax uga qabto xiriirka labada dal ee sii xumaanayay.

Atoore Steven Seagal oo ka mid ah kuwa ugu caansan Maraykanka ayaa dhalashada Ruushka la siiyay sanadkii 2016-kii.

Wasaaradda arrimaha dibedda Ruushka ayaa sheegtay in xilka cusub ee loo magacaabay Steven uusan ahayn mid uu mushaar ku qaadanayo, uuna la mid yahay xilka Qaramada Midoobay ee safiir sharafeedka.

Dhawaan ayuu atoorahan Ruushka ka difaacay eedeymaha ah in ay farogalin ku samaysay doorashadii dhacday 2016-kii ee Maraykanka.

Waxa uu mar Putin ku tilmaamay in uu yahay “ninka adduunka ugu qiimaha badan ee nool”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top