Connect with us

somalilandtoday.com

“Dowlada Jabuuti Ma Aqoonsana Shuruucda Caalamiga Ah” DP World Oo Si Adag U Weerartay Jabuut

focus

“Dowlada Jabuuti Ma Aqoonsana Shuruucda Caalamiga Ah” DP World Oo Si Adag U Weerartay Jabuut

(SLT-Dubia)-Shirkadda DP World ayaa ku tilmaanta dawladda Jabuuti dal aan aqoonsanayn shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah kadib markii dowlada Jabuuti ay diiday inay aqbasho go’aan ka soo baxay Maxkamad ku taal magaalada London.


Maxkamadda dhexdhexaadinta London ayaa go’aamisay inay tahay sharci-darro in dowlada Jabuuti ka baxdo heshiiska ay la gashay shirkada DP World.

Dowlada Jabuuti ayaa ku eedeysay shirkadda DP World in ay si xun u maamuleyso dhismaha dekedda Dooraale ayna dooneysa in dekeda Dubai ay shaqeyso.

Horaantii sannadkan ayaa dowlada Jabuuti waxa ay gebi ahaanba baabi’isay heshiis muddo 50 sanno ah soconaya oo ay la gashay shirkadda DP World.

Hase yeeshee shirkada DP World ayaa weli ku adkeysanaysa in uusan baabi’in heshiiska ay la gashay dowlada Jabuuti.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top