Connect with us

somalilandtoday.com

Cabdi Maxamuud Cumar Oo Weli Majaraha U Haya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

focus

Cabdi Maxamuud Cumar Oo Weli Majaraha U Haya Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

(SLT-Jigjiga)-Shalay waxaa xilka madaxweynenimada dowlad deegaanka Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar oo xilkaas soo hayay 8deedii sano ee lasoo dhaafay, haddaba halkee ayuu ku dambeeyaa Cabdi?.

Ninka badalay Cabdi oo lagu magacaabo Axmed Cabdi Maxamed oo BBC-da la hadlay ayaan weeydiinay su’aashaasi, wuxuuna sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu weli majaraha u hayo siyaasadda dowlad deegaanka Itoobiya, waxa kaliya ee uu baneeyayna ay tahay xilkii madaxweynenimada si loo abuuro jawi wadahadal.

Madaxweynaha cusub ayaa yidhi “Waa uu fiicanyahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga, anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay”.

Mar aan laga weeydiinayay waxa laga filan karo Cabdi Maxamuud Cumar iyo meesha uu ku dambeyn doono ayuu madaxweynaha cusub yiri “Madaxweyne hore, ixtiraam badane ay bulshada u hayso, dadkuna wax waa isku qaban karaan, Soomaalida dad anaga wax naga tabanaya waa ay jiraan, waa qof Itoobiyaan ah oo dalkiisa iyo dadkiisa dhex jooga, Addis Ababa ayuu tagi karaa, Jig Jiga ayuu joogi karaa, gobolada ayuu ku noolaan karaa”.

Madaxweynaha cusub oo aysan weli baarlamaanka dowlad deegaanka ansixin, balse uu xilka ku wareejiyay madaxweynihii hore iyo xisbiga talada haya, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in ay bedalaan dhaqan siyaasadeedkii hore ee ay ku shaqaynayeen, wuxuuna yiri “Waqtigan laga bilaabo aniga iyo dowladeyduba waxaan diyaar u nahay in aan ka shaqayno midnimada, iyo isku duubnida shacabka Soomaalida Itoobiya, fariimihii Ra’isulwasaaraha ee ahaa aan is cafino, aan wada shaqayno ayaan hirgalinay”.

Waxa socda wadahalo dhinacyo kala duwan ah oo lagu xalinayo xasilooni darada siyaasadeed ee ka jira dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, balse lama oga illaa heerka uu qeyb ka yahay madaxweynihii hore oo ay balse weli muuqato saamayntiisa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top