Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Oo Beelaha Nabada loo Xidhay Iyo Xidhayaashooda U Akhriyo Qodobo Xukuumadu Ku Lifaaqday Go’aamadii Shirkii Nabadaynta+ SAWIRRO

focus

Wasiirka Arrimaha Gudaha JSl Oo Beelaha Nabada loo Xidhay Iyo Xidhayaashooda U Akhriyo Qodobo Xukuumadu Ku Lifaaqday Go’aamadii Shirkii Nabadaynta+ SAWIRRO

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed Ayaa maanta Si wada jira Shir ugu Qabtay Waftida Xukuumada ee Uu Hormuudka u yahay Xidhayaadha Labada Dhinac Iyo Labada beelood ee Todobaadkii ina dhaafay Nabada loogu Soo Xidhay Degmada Ceel Afweyn .

Shirkan ayaa Wasiirku hortooda kaga akhriyey Qodobo Ay xukuumadu ku lifaaqday Go’aamadii Shirkii Nabadaynta Labada beelood ee colaadu dhex martay kuwaasi oo awaamiir lagu siinayey Beelaha Iyo Ciidamada Kala Duwan ee dalka .

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Waxaa uu Sidoo Kale Go’aamadii SHirka Nabadaynta Iyo Lifaaqa Xukuumada U kala qaybiyey Xidhayaasha Iyo Sulaadiinta Labada Dhinac Si ay u dhaqan galiyaan Awaamiirtaasi Kala Duwan una gaadhsiiyaan beelaha ay horjooga yaasha u yihiin.


Sidoo kale wasiirka Arrimaha Guduhu waxaa uu ku adkeeyay xidhayaadha iyo beelahaba inay soo saaraan gudiye xukuumadu kala xisaabtanto ka hawl galida magta jufida oo loo mudeeyey in lagu bixiyo laba bilood gudahood oo ka bilaabantay 01/8/2018.

Dhinaca kale waxaa halkaasi duco iyo dardaaran kasoo jeediyey Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Suldaan Dhuwal oo kamida Shirgudoonka Nabadaynta .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top