Connect with us

somalilandtoday.com

Somaliland Waxay Ku Sugantay Afar Dagaal Dhexdood Iyo Kala Tashidhexdeeda Ah.

Articles

Somaliland Waxay Ku Sugantay Afar Dagaal Dhexdood Iyo Kala Tashidhexdeeda Ah.

Wadankan Somaliland hoggaan xummaanta awgeed ayuu 1960 wadanka ku geeyey Mogadishu, isagoon qabaailku degaa midaysnayn oon qorshe Ummadeed lahayn oon jibo been ah iyo riyo reer hebel a Siyaasad la moodayo ayeynu orod mirqaansan ku tag ay xamar oo talo la’aan wadankii hadiyad u dhiibnay ummad kale oo somalia ah oo wadankoodii joogta oo Dawlad iyo xornimo kale WADATA markaasay intay yaabeen QALDAANIIN INOO BIXIYEEN wadankiina way inaga gudoomeen markaasaa inagoo wasiir iyo wax aan dhaamin quud daraynayna ag fadhiisannay oo waatii I a dhaxalsiisay inaynu warqad yar iyo saxeex yar xamar ka sugno ama u doonano oo bilo ugu maqnaano xamar.

Waxba

yaan Taariikh iyo calaacal ku rakaadane maanta dalku halkuu marayaaa iyo suaashu waxay tahay waa meel aad u xun oo khatara oo cid hareeraa ka xiga oo dhami aanay Dan ka lahayn iyagaa DAGAALO ku furanyihiin oo maaha waqti miis qudha oo dawladaha jaarka ahi u diyaar yihiin ICTIRAAF IYO WAX NOOCAAS AH BALSE DAWLAD KASTA OO SOMALILAND DHINAC KA XIGTA WAXAA HAYSTA DAGAAL IYO DHIBAATO U GAARA. Haddaad eegtaan dhinaca Carabta Yemen xaalkeeda waynu la soconaa iyo Sucuudiga, Imaaraadka iyo Iran Xaalkooda weyn la soconnaa, haddaad xagga geeska Afrika u Soo talawdo waxa ka jira ma dhib yara, Somaliland Dhinaca Puntland iyo Somalia hadh iyo habeen waxaa la wareejinayaa sidii Somaliland dhinaceeda dhulka loo dhigi lahaa ee loo afrogi lahaa oo dagaalka TUKA-RAQ na sii dheer yahay iyo SOOL oo soo hogaaminaysa deggannaashiiyo la’aan ku bilaabmay Somaliland. Ethiopia isbedel weyn baa ka socda oo weli aan la wada fahmin wuxuu ku dambayn doono laakiin waxaa bilaabmay oo la arkaa Dawlad degaankii Somalida ee INA I lay hoggaanka u ahaa oo Burburtay a wax bedel doona lama garan weli laakiin hub iyo ciidan wuxuu haystay waxay gelayaan Puntland iyo Jubbaland waxba ma qarsoona e xoog gii daarood baa usoo carraya Dhinaca Somalia, waxa aan faaiido lahayn khasaare mooyee waxay iman ayaan Somaliland ee dumar iyo caruuri.
DJABOUTI mabdaeeda udub dhexaadka ihi waa inay dhibaatooyinka Eritrea Somalia iyo Somaliland ka dhex faaiidaysato, maanta TII Eritrea way soo xidhmaysaa, TII Somalia way ka soo xidhmaysaa.

Somaliland waxay Siyaasad ka dhigtay fikir aan meel gaadhay oo reer ah oo leh anaa haddaan reer hebel ahay Somaliland u talinaya taasoo wax dani ugu jirin jiritaanka Somaliland BALSE TUUG DAN GUUD BOOBAA OO DEBED U CARARA AYAA IN LACAG A QAATA BALSE WAA XAALUFIN DHAQAALE IYO SICIR BARAR WAX KALE OO KU DHEX JIRAA MA JIRO SIYAASADDA REERAHA ISKU MIDKA AH EE SOMALILAND EE WADA SABOOLKA AH UGU JIRAA WAXAN AY U UMMADDA KU MAAWEELINO EE REER HEBEL IYO REER HEBEL maanta dhinac gasta dagaal baa inaga xiga iyo dhaqaale burbur. Waxaa ah in lagu baaqo shir weyne reer Somaliland oo dhami isugu yimmaaddaan oo jiho cusub wadanka loo dhaqaajiyo haddii kale dhinac kasta dad iyodagaalo baa kasoo socda iyo dhaqaale xumo iyo qaxootiyo iyo hub dagaal.

Waa Halkaa Xaaladda Wadanku Marayaa.

Mbashe (Meerkat)

qoranebashe@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top