Waxa dad badan aad uga yaabiyay in Raysal Wasaaraha iyo Raysal Wasaare Ku Xigeenkiisa dalkaas aan jaarka nahay ee Somalia ay taariikhda si cad been uga sheegeen intii ay joogeen Maamulka Somalia ee Puntland.
Waxay sheegeen inay dadka deegaanada Somalia ee Puntland ku nooli ay xoriyadii Somaliland ee 1960 ay keeneen halyayadoodu, kuna suntan yihiin, lana dagaalameen Ingiriis. Waa wax laga yaxyaxo in been intaas leeg umada lala hor yimaado, sida Kamarada ka muuqatay dadkii xafladahaas mid ka mida fadhiyay wajiyadooda ayaad ka dareemaysay sida ay ula yaabeen, taariikhda beenta ah ee uu sheegayeen siiba Raysal Wasaare Ku Xigeenka oo xiitaa Gabay
soo qaatay si uu hadalkiisa xaqiiqda ka fog ugu helo Cadayn, baydka gabayga uu soo qaatay maba ahayn mid markhaati u noqonayay balse wuxuu rabay inuu iska dhaadhiciyo dadka deegaanadaas ku nool, kuna beerla xawsado balse beeni raad male. Dadka reer Sool iyo kuwa gobolada kale ee Somaliland waxay ka mid ahaayeen dadkii reer Somaliland ee u soo halgamay Xoriyadii 1960 ee Ingiriis Xoriyada ka qaatay, meel ay dadka maamul Goboleedka Somalia ee Puntland ay ka soo galaana ma jirto, mana haboona in laba taariikhood oo shaqo iyo shuqul isku lahayn gadhka la iskugu geliyo si loogu beerla-xawsado dadkaas ay la joogeen.
Waxa ka muuqata labadaas xubnood inaanay aqoon u lahayn taariikhda in Somaliland iyo Somalia ay midna Ingiriis xoriyadiisa ka qaadatay, midna Talyaani, wax xidhiidha oo ka dhaxeeyayna aanay jirin xoriyadihii ay ka kala qaateen ingiriis iyo Talyaani.
Halgankii Xoriyada Somaliland loo soo galayna ay u soo galeen dadkeeda degan Somaliland laga soo bilaabo Sool ilaa Awdal. Halka Maamuklka Maamul Goboleedka Puntland ee Somalia iyo dadkiisu aanay ku hoos jirin Maxmiyadii Ingriiska, wax raad iyo saamayna aanay ku lahayn halgankii dadka reer Somaliland u soo galeen sidii ay xoriyada uga qaadan lahaayeen Ingiriis. Meel loogu asteeyo reer Puntland inay Ingiriis la dagaalameen ama ay ku keeneen xoriyadii 1960kii waa mid aan jirin oo gacan ku samaysa. Hadii ay ka qayb-qaateen Tii Somalia waa halkeeda, waxana haboon in iyada loo nisbeeyo intii ay ku laahaayeen dalkaas ay ka tirsanyihiin ee Somalia, balse aan laba taariikhood oo aan isqaban karin aan dusha la iska saarin.
Waa inay Raali gelin buuxda ka bixiyaan Raysal Wasaaraha iyo Ku Xigeenkiisa Somalia xad-gudubka Taariikheed ee ay ku sameeyeen dadka reer Somaliland. Waa nasiib daro in masuuliyiin xilal intaas leeg xambaarsani ay taariikh garan waayaan, si badheedhana dadka hortiisa ula yimaadaan taariikh aan jirin. Dad badani waxay u fahmeen malaha waxay u haystaan in Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland uu ka mid ahaa Maxmiyadii Ingiriiska ee Somaliland. Hadii ay sidaas u haystaan taariikhda, waa inay waxbarashada dib ugu noqdaan, malaha casharadaas tiiriikhdaas ku saabsan way ka soo boodeene.
Taariikhda lama qarin karo, ninkii qariyaana isagaa ku ceebaysan.
Yuusuf Wacays
muwaadin2000@gmail.com