Connect with us

somalilandtoday.com

Muse Biixi Haloo Sheego Inuu Yahay Madaxweynaha Qaranka Haduu Rumaysan Waayana Haloogu Dhaarto!! W.Q Kaptanka.

Articles

Muse Biixi Haloo Sheego Inuu Yahay Madaxweynaha Qaranka Haduu Rumaysan Waayana Haloogu Dhaarto!! W.Q Kaptanka.

Madaxweyne Biixi Haloogu dhaarto inuu madaxweynihii qaranka yahay Isla markaana uu kasoo gudbay waqtigii uu gudoomiyaha Xisbiga ahaa ee marka uu doonayo inu Arin ka hadlo uga faa,idaysan jiray munaasibad Lagu Soo casuumay. Intii uu madaxweynuhu xilka la wareegay hadaladisa ugu badan waxaa ka sheegaa munaasibad uu kasoo qayb galay sida xaflad jaamacadeed Iyo kuwa la midka ah.

Madaxweynuhu marka uu xaflad Lagu Soo casuumo maaha inuu khudbad Amaro ah ka akhriyo golaha. Kaliya waxa uga furan golaha erayadii martida xaflada Lagu Soo casuumay ee ku haboona Lana jaan qaadayay golahaa. Wixi khudbad ee uu shacabkiisa

usoo jeedinayo waa inuu si xor ah oo meeqaamsare ah ugu yeedha warbaahinta walibana ogolaada in su,aalo si xor ah warbaahinta maxaligi waydiisaa marka uu dhamaysto khudbadiisa.

Madaxweynuhu maaha inuu isticmaalo anigoo ka faa,idaysanaya xaflad sida Iyo sida oo uu halka kasheego wixii uu rabay inuu dadka usoo bandhigo. Hadii uu madaxweynuhu Rabo inuu qarashka warbaahinta kaga baxaya sida ku yareeyo wuxu yarayn laha kharashka ku baxay shidaalkii safarkii Borama ee uu sii kaxaystay labaatanka baabuur ee shidaal cunka badan nooca loo yaqaanaa V8 ka. Iyadoo sababta uu Awdal u tagayna ahayd Jaamacadda Camuud qalinjabinteedii.

Allaah Mahad Leh.
Abdiqani Salaf
realcabdiqani@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top