Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg-deg Ah: Madaxweyne Cabdi Iley Oo Is-casilay Iyo Magaca Madaxweyne Cusub Oo Loo Doortay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

focus

War Deg-deg Ah: Madaxweyne Cabdi Iley Oo Is-casilay Iyo Magaca Madaxweyne Cusub Oo Loo Doortay Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

(SLT-Jigjiga)Wararka naga soo gaadhaya Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiyaa ayaa sheegaya in uu xilkii iska casilay Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana fadhi ay isugu yimaadeen Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Axmed Cabdi Maxamed.

Ciidamada Faderaalka Dalka Itoobiya ayaa la sheegayaa in ay la wareegeen guud ahaan amaanka Maamulka isla markaana ay xeryooyinkoodii ka soo baxeen una soo baxeen jidadka magaalada Jig Jiga .

Sidoo kale barta Facebook telefishanka Universal Tv ayaa hada lagu soo daabacay in Gudiga Fulinta Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ay u Magcaabay Xilka Madaxeynaha Cusub ee Dawlad Deeganka Soomalida itoobiya Md Axmed Cabdi Maxamed.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top