Articles
Deldelaad Hadday Ceejiyaan Way Cuntamaysaaye! W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
Maahmaahyada Ingiriisiga waxa ka mid ah “Freedom in hell is better than slavwery in heaven”. Innaga oo aan ereyadeeda dul joogsan, haddii aan hal-tebiyo waxa uu nuxurkeedu noqonayaa “Madax-bannaani lagu bayhoofo ayaa ka wanaagsan badhaadhe la isku addoonsado”. Murtidaasi waxa ay nalka ku ifinaysaa waxyeellada ka jirtay DDSI, ee lagu daaho indha-sarcaadka ESTV laga baahiyo ee waxqabadka lagu sheego.

Marka laga yimaaddo adeegga bulshada, horumarka iyo awditaanka baahida dadka ee loo cumaamaday, waajibknaa ku ah qof kasta oo deegaanka madax u noqda, Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu caan ku ahaa duudsi iyo xadgudub. Lama koobi karo inta qof ee la xidhay, la dilay,
la faraxumeeyay ama la dalasaday intii uu xilka hayay.
Cabudhinta, cadaadiska iyo xeer-duminta ayuu nidaamkaasi dhaqan ka dhigtay. Meeqa jeer ayay ciidankiisa Liyuu Boolisku xasuuq u geysteen dad maxas ah oo aan waxba galabsannin? Marna miyaa aad maqasheen wax anshax-marin ah oo askarta lagu sameeyay ama maxkmad la saaray? Immisa jeer ayaa la cambaareeyay hantaaqadiisa?. Haddii ay in yar xasuustiinna ku soo dhacdo wixii Jaamac-Dubbad laga sameeyay 2016ka, waxa aan hubaa in ay jidhiidhico iyo murugo idin hadhayn doonto. Naxdin badnaydaa!
Isaga oo kurka jaraya rayidka ayuu odhan jiray “Kabaha Shacabka ayaannu nahay”. Muuqaalladii ugu dambeeyay ee ka soo baxay Jeel-Ogaadeen ayaa maskaxda ku reebaya hannaanka uu xukunkiisu ahaa. Isaga oo dhagartaas faraha kula jira ayuu yidhi “Waa la igu dirqiyi jiray gabbood-falka. I saamaxa”. Baroortiisu kama duwana ilmadii yaxaaska, waxaanu hadalkiisu qiraal ka yahay hadimada uu bannaystay iyo hagardaamada uu habdhaqanka ka dhigtay.
Darraad oo sooyaalku ku beegnaa 5tii Ogos 2018ka waxa magaalada Jigjiga yimi Ciidanka Federaalka Itoobiya oo la wareegay gacan-ku-haynta magaalada, si ay u baajiyaan kala-tag iyo iska-horkeen mug leh oo dhex mara DDSI iyo Xukuumadda Abbaay Axmed. Waxa uu taas kaga falceliyay amar-diiddo, rabshad iyo kicin. Waxa oodda loo rogay meheradihii ganacsiga, dad maati ahna waxa loo geystay dil iyo barakicin.
Maalmihii ay qowmiyadda Oromadu haamaha u biyeysatay bannaanbaxyadii sababta u ahaa xil-ka-tegsita Raiisal-Wasaarihii hore ee Itoobiya Xayle Maryan Dheselenge iyo dhalashada isbeddelka Itoobiya, waxa uu Cabdi Maxamuud Cumar u qaashaartay in uu adhax-wareemo halganka ay ummaddaasi ku tashatay. Wuuu sigay in uu majare-habaabiyo yoolkii ay lahaayeen qowmiyadda ugu tirada badan Itoobiya. Judhiiba waxa uu colaado ka dhex huriyay Soomaalida iyo Oromada, waana dabka sababta u ah dhiigga illaa dhawaanahan ku daadanaya Mooyaale. Awgii ayaa boqollaal qof nafta looga jaray.
Halkii uu uga hoggaansami lahaa Federaalka uu hoostago, waxa uu ku andacoonayaa in ay Oromo qabsatay. Baaqa loo dirayo Soomaalidu ma aha mid la aqbali karo. Ma jirto cid Soomaaliyeed oo rabta inay fara-geliso is-beddelka ka socda Itoobiya. Ciidanka Federaalka waxa aan u arkaa gurmad awliyaad oo af-jaraya habaar bulshada muddo ku gedaannaa.
Waxa aan filayaa in laga raysan doono hantaaqadii joogtada ahayd iyo bahdilaaddii DDSI lagu addoonsan jiray. Fiicnaan lahaydee haddii la helo xeer-ilaalin iyo garsoor si xeerka waafaqsan ugu ooga ugana garnaqa dhagaraha loo tirinayo in uu geystay.
Kollayba waxa maamulka la wareegi doona qof reer DDSI ah. Bulshada ku nool dhulka uu Cabdi Maxamuud Cumar madaxweynaha ka ahaa waxa aan ugu baaqayaa in ay nabadgelyada dhawraan, in ay la jaanqaadaan hab-maamulka cusub iyo in aan mar kale lagu suntin dad shufto ah, si loogu geysto qoorgoyn kale oo aan laga soo waaqsan.
Isaga oo intaas sare tix u rogaya, wuxuu yidhi:
Dhaaxuu cawaan qaabaddii, ciilay maatida’e
Dhaaxuu calaashaday shacbiga, cooflahaa buraye
Dhaaxaa dad aan coobbe sidan, cawda loo jaraye
Nin cawaandad doobyaaba wuu, caga-gubyoodaaye
Caanaha wuxuu sii dhigtuu, caawa dhamayaaye
Cambe uma bislaadeen ninkii, ciinka “beer” yidhiye
Cidhib-xumadu waa faral haddaad, camal-san diiddaane
Cabdallow Jigjiga guul horliyo, ceelalyaa timiye
Allaylehe cirkaan dhawrayaa, caawa ii da’aye
Caansiiriyii buu haddeer, cirirku haystaaye
Cadrad iyo bahdiisaa wax badan, caarka duudsiyaye
Caku Jeel-Ogaadeen intii, lagu ciqaabaayay
Ama uu caloolyow ku riday, cawska way tahaye
Dubbad cidhifyadiisii khalgiga, caasha laga toogtay
Codkii shacabka waa tuu bannaday, cayn kastuu yahaye
Waa tuu “cabudhiyaay” lahaa, maati caban-layde
Waa tuu cadaadshee dad nugul, ciisku beegsadaye
Cadligiyo sinnaantuu mar kale, ceel guntii dhigaye
Caarayuub dar lagu shiishay baa, ciidda hoos maraye
Inta “cawdu” laga hoos-galuu, caanbax ku ahaaye
Caddibaadna kow buu u yahay, ceebta waayadane
Cabdi Ilay xasuuquu ku kacay, caad ma qariyeene
Caynkii Saddaam loo galiyo, ruuxi Cadan haystay
Cibaariyo waxaa lagaa dhaxlaa, waano kuu culuse
Cimri dheer Qaddaafoo shacbiga, lagu calaameeyay
Cibaaraa ku sugan qaabaddii, looga caydhsadaye
Cashar qudha ka muu baran ninkii, Tuunis caagsadaye
Nin kastoo kursiga caashaqaa, wuu ka cararaaye
Intii loo cumaamaday xilkuna, way cayiman yiine
Markay qaar calooluhu hagaan, faanka ugu cuurtay
Ee uu colkii guul-waduu been, ku ciyay maalmo
Wuxuu mooday calankiyo inuu, ciidda leeyahaye
Cidaamkeenna kii ruugi jiray, muu cad naxahaynne
Cantarqabash wuxuu yidhi kolkuu, cawlmay dhiillada’e
Codsiguu “i saamaxa” ku yidhi, muu cuntamahaynne
Cafin maynno qoorgoyn dirkii, caado u lahaaye
Mar haddiiba cooflii haddeer, ciidan lagu saaray
Oo Caabbi taladii qabsaday, ciidnay faraxiiye
Carcaraafka waajahay hadduu, ciiray kibiriye
Goob uu cag iyo jaan dhigaan, ruux caddayn karinne
Cunuhuu ku dhigay aadmigana, caamka uu yahaye
Canka shacabka kii dhigay hadduu, caawa gubanaayo
Malyuunkuu cabiidsaday nasruu, caafimaad helaye
Haddii uu calaacalo nin xumi, looma ciidamo’e
Catawgiisu maxastii ma marin, uu “cajiin” yidhiye
Cabaadkiyo haddaa oohintii, geelu ka cabbaaye
Wuxuu caadhka taagaba haddeer, cawjad lagu qaadye
Cadhadii kuwuu liiday baa, Caadilkeen badaye
Alleylehe caqiibadi nabsaan, “hoo cantuug” idhiye
Inkastuu culays sheegan jiray, tookha cududdiisa
Wax la yidhi “cufkiisaa la mida, xuubka caarada’e”
Inkastuu lahaa cuud hantiya, muu calfanahayne
Wax la yidhi “cagaagnuu ku baxay, caaqu orodkiiye”
Xaajada markii lagu cakiray, cuurna lagu xeeray
Wax la yidhi “cabsida haysataan, cidi malayseene”
Inkastooy cataabkii direen, baaqyo kala cayna
Wax la yidhi “cishadan looma fidin, caawimaad qudha’e”
Caantaynka nimuu siistay baa, caawa guul helaye
Waxla yidhi “haddeer wuu carjabay, daaqigii cunaye”
Cirka iyo ninkii fiirin jirin, caadka madaxeennu
Wax la yidhi “cammuuddii hadduu, caamka deyayaaye”
Wax ciyaarta lagu daahi jiray, cawjar faraweynne
Iyagoo cadkaygii kidfay, ceebta dedayeene
Curashiyo kacaankii la eed, cay wuxuu dhigaye
Sidaan nahay carruur uu dhaloo, Caadil naga beeray
Ama canugyadiisuu na yidhi “Aabbo” ii cuga’e
Cadawgaagu goortuu jabaa, laga cadgoostaaye
Cawuu uunku leeyahay haddii, coommirkii tegaye
Cidhiidhyooniduu baahiyo, caynki lagu jiidye
Haddii uu colkiisina firxaday, caafimaad dhalaye
Ku caweeya rayn rayn mudday, kuu cartamayeene
Mooyaale ciriqaa ka jira, caammiyaan garanne
Cunfigaas hacoogii unkow, ways cajabisaaye
Cahdiguu dadkii Naasireet, guusha curinaayay
Oromiya codkoodii kolkay, caalamka u qeexday
Cakuyey markuu Jawhar yidhi, “muuja cududdeenna”
Carrigana bannaanbaxa markii, cuurku wada oogay
Ee calan-weyntii la nacay, caalna laga doogay
Colkiisiyo Liyuu booliskaa, caarayuub ganaye
Colaaddiyo bulshada aawadii, cawda laga gooyay
Cumar kuu awowgii yahaa, caabaqaa dhigaye
Waa in lagu ciqaabaa naxliga, caadif tuu dhigaye
Carrabkaygu tiiyoonnu ruux, gaar u cuganaynnin
Daliil aan cuskanayaan lahaa, “cuurka maqashiiye”
Casarkii walaw uu tukado, cuudna dago-dhiibo
Ama aanu Ramadaanta cunin, ceeshka laga reebay
Caqiidada wax kaa saara oo, caama baa dhiganne
Culimada badhkood baa fasiray, coonku tuu geyo’e
Camalkiisu “waa faasiq” buu, caalinkii yidhiye
Sidii aarka caymaha ninkii, ii cargaagtamayay
Waa daw in cuqubooyinkii, lagu ciqaabaaye
Cambaarayntu may oon-tirteen, qoom la cayn-rogaye
Cisi-diidki waa in uu xabsiga, liinta ku cabbaaye
Calmashada waxaan doonayaan, kuu cabbiraaye
Deldelaad hadday ceejiyaan, way cuntamaysaaye
In dharaar cad lagu shiishtamaa, ciilka tiri layde
Maantana cilaaqaadkii buu, ciirshay adhaxdiiye
Cakuyey dhaqaaliyo amniba, wuu cawarayaaye
Cashuurbixiyihii buu fidnada, caydi “boob” yidhiye
Cudurkiyo naxliga soo af-jara, yaannu sii caranne
Nabdgelyo Cabdi Maxamuud Cumar!
Continue Reading
Advertisement
You may also like...
Related Topics:
