Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Sudan

focus

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafti Uu Hoggaaminayo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Sudan

(SLT-Muqdisho)-Raysal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay magaalada Khartoum ee dalka Sudan, halkaasoo ay uga qeyb galayaan shirka nabadeynta dalka Koofurta Sudan.

Raysal Wasaare Kheyre oo shalay ka soo laabtay magaalada Garowe oo uu maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa ayaa saakay u dhoofay magaalada Khartoum.

Safarkan oo markii hore u qorsheysnaa Madaxweyne Farmaajo inuu u ambabaxo Sudan ayaa saacadihii u dambeeyay ka baaqday, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha uu bedelay.

Maalin ka hor ayay aheyd markii la faafiyay warqad ku qornaa afka Carabiga oo ahaa liiska wafdiga Madaxweynaha u raaci lahaa Sudan, balse markii dambe la hakiyay.

Shirka Nabadeynta Koofurta Sudan iyo heshiiska dhinacyada iska soo horjeeda ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Madaxda ka socota Gobolka iyo kuwa deriska la ah dowladda Sudan oo heshiiskan door weyn ka qaadaneysa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top