Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynihii Hore Ee Brazil Oo Musharax Loo Magacaabay Isagoo Xabsi Ku Jira

focus

Madaxweynihii Hore Ee Brazil Oo Musharax Loo Magacaabay Isagoo Xabsi Ku Jira

(SLT-Brazil)-Madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luis Inacio Lula da Silva ayaa loo magaacabay musharax ka qeyb galaya doorashada bisha Oktoobar ka dhacayso dalkaasi, inkastoo uu haatan xabsi ku jiro oo horay loogu xukumay 12 sanadood.

Ilaa 2,000 oo xubnood oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ayaa cadeeyay in Luice uu musharoxooda taasi oo ay taageero ugu muujinayaan.

Lula ayaa hogaaminayo saadaasha codadka balse waxaa laga yaabaa in aysan gudiga doorahada u ogolaan in uu u tartamo jagada madaxweynanimada.

Waxa uu iska foogeeyay in uusan wax musuqmaasuq ah samayn, waxa uuna sheegaya in xukunkaasi uusan ka reebi Karin in uu dib ugu soo laabto jagadiisa.

Hogaamiyan hore ayuu ka hor sheegay xubnaha xisbiga in dowladda ay doonayso in ay meesha ka saarto rabitaanka shacabka si ay u doortaan madaxweynaha ay doonayaan.

Waxa uu intaasi ku daray in ay doonayaan in ay dimuqraadiyad abuuraan shacabka la’aantiis.

Xisbiga ayaanan markii hore qorshaha ugu jirin in ay magacaabaan Lula ilaa iyo maalinta isniinta ah.

Luis Inacio Lula da SilvaLahaanshaha sawirkaAFPImage captionLuis Inacio Lula da Silva

Waxaa sidoo kale sabtidii la magacaabay laba musharax oo kala ah Marina Silva oo u taagan xisbiga bidix-dhexe iyo Geraldo Alckmin oo isagana ka socdo xibiga midig-dhexe ee dimuqraadiga.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top