Connect with us

somalilandtoday.com

Ujeedada Safar Uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta Ugu Baxaayo Dalka Suudaan

focus

Ujeedada Safar Uu Madaxweynaha Soomaaliya Maanta Ugu Baxaayo Dalka Suudaan

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta lagu wadaaa inuu u ambabaxo isaga iyo wafdi  uu hogaaminayo dalka Suudaan halkaasi oo kullamo uu kula yeelan doono dhigiisa dalka Suudaan.

Safarka Farmaajo  uu ku aadi doono dalka Suudaan ayaa yimid xilli xaalada siyaasaddeed ee gobolka geeska Afrika ay weji kale yeelatey.

Madaxweynaha dalka Sudan Jeneraal Cumar Xasan Al-bashir iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa yeelan doona kullan gaar ah oo looga hadli doono arrinta Eritrea, Soomaaliya  iyo Jabuuti.

Dowladda Jabuuti ayaa walaac ka muujisay in dowladda Soomaaliya ay hor-boodo ololaha lagu doonayo in cunaqabateynta looga qaado Eritrea.

Arrinta Ereteria Iyo Soomaaliya ayaa siyaabo badan loo arkay kadib  markii la sheegay in xidhiidhka labada dowaladdood ay  saameeyn taban ku leedahay dalka Jabuuti.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top