Connect with us

somalilandtoday.com

Mid Ka Mid Ah Dhaxalkii Ugu Adkaa Ee Muuse Biixi Ka Dhaxlay Xukuumadii Hore Oo Uu Soo Afjaray…..W/Q Maxamed Abiib

Articles

Mid Ka Mid Ah Dhaxalkii Ugu Adkaa Ee Muuse Biixi Ka Dhaxlay Xukuumadii Hore Oo Uu Soo Afjaray…..W/Q Maxamed Abiib

Mid kamida Dhaxalkii Tabnaa ee waliba adkaa ee M.wayne Muuse Biixi ka dhaxlay Xukuumadii hore oo uu mid kamida kuwii ugu adkaa soo afjaray kadib markii uu galiyay Doonis wanaagsan iyo Dadaal Culud oo wada socda.


Dhamaanteen waxaynu ognahay kana dharagsan nahay Arimaha Bulsheed iyo kuwa dawladeed ee ina haysta inaanay ku iman Talada m.wayne Muuse iyo Xukuumadiisa ka dhashay laba kaclayntii Kulmiye 2017 ku hantay markale talada Dalka.

Dhamaantoodna ay ka horeeyeen oo ay kala ahaayeen kuwo ka dhashay Xukuumadihii kala horeeyay inkastoo Xukuumadii hore loo tiriyo inay u badsatay waxana kamid ahaa.
1: Xaraarada iyo Xadiga qabyaalada oo aad kor ugu kacay taasoo sobobtay kala qaybsanaan bulsheed oo xoog badan
2: Sicir-barar baahsan oo dhamaan saameeyay dhaqaalaha dalka iyo nolosha bulshada oo dhan
3: Kala Daadsanaan iyo Habacsanaan maamul oo awoodii iyo Shaqadii dawladeed wiiqday
4: Awoodii wadajirka Dawlada oo Diciiftay Sobobtay doontaba haku timaadee markii ugu horaysayna la Sheegay inay Dadkale isticmaaleen Qaar kamida awoodo anay lahayn inkastoo dadbadni dood ka qabaan.
5: Isku dhacyo Beeleed oo dhex maray Dad Reer Somaliland ah kuwaas oo gaadhay meel adag oo inbadan jabisay isku dayo ay samaysay Xukuumadii Hore Shacabka iyo Dawladana walwal badan ku abuuray.

6: Siyaasadii Arimaha Dibada oo si wayn oo Hoos ugu dhacday gaar ahaan 3 sano ee ugu Dambeeyay muda xileedkii Xukumadii Hore
7: Musuq maasuq badan oo muuqday dhacayna mudadii ay talinayeen labadii Xukuumadood ee ka horeeyay tan m.wayne Muuse Biixi
Waana Sobobaha keenay in Xalin tooda Dadbadni u wakiisheen M.wayne Muuse Codkoodana ku siiyeen kadib markii ay Qiimeeyeen Awoodiisa Qofeed oo ay u Arkeen inuu maanta musharixiinta kale kaga haboon yahay Xalinta Arimaha isbarkan kuwaas oo u baahan kudhac ‘ Go’aan iyo Bisayl uu ku keeni karo Isbadal Togan.
Marka laga yimaad Habka Beeleedka lagu kala Codeeyay tani waxay ahayd Filasho u qarsoonayd xaataa kuwa ka codeeyay.
Rajadaas iyo Filashadaa wanaaagsan waxa qof walba usii Xoojiyay Xogogaalka uu dadka iyo dalka u yahay oo lagu ladhay Khudbadihiisii iyo Doodihiisii Cadaa ee uu kaga duwanaa Murashixiintii kale.
Isla markii Talada Dalka loogu dhawaaqay intaan la dhaarinba wuxuu bilaabay inuu isna dhankiisa waajaho wixii Bulshadu ka filaysay iyo wixi u muuqdayba wuxuuna 30 kii maalmood ee Xilwareejinta ka horeeyayna wuxuu qaaday Talabooyin iyo Guubaabooyin dhamaan Bulshada soo jiitay siina xoojiyay Rajadii Shacabka intii dooratay iyo intii aan dooranba lagana xusi karo kulamadii uu sameeyay mudadaa iyo Khudbadihi uu jeediyay ee Dahabiga ahaa ee Ruxay Quluubta macal intii ka codaysay.
Xilkiibaa loo dhaariyay wuu sii laban laabay Rajo galintii Shacabka iyo soo noolayntii Yididiilada wuxuuna Xafladi Xilwareejinta ka jeed Hadal muhiim u ahaa wax ka qabashada xaladihii taagnaa.
Wuxuu dhisay dawladisii maalin kadib dhaartiisii wuxuuna soo xushay Xukuumadiisii uu dhismaheda dastuurku Awooda u siiyay wuu ina Horkeenay inana Faaladii bilownay deedna hooriskii noqoy waa maxay Xukuumadan ka minqiyaaska yari duruufahan ina haysta Ninba dhan uu ka eegayba balse markale Awooda jiidaysa(M.waynaha) awgeed Aad looma Sharaysan.
Shaqo bilaabe M.waynihii iyo Xukuumadisii oo wada jiraa Shacabkii iyo Siyaasiyiintina bilaabe Qiimayn iyo Xisaabin wada jira oo kala ah muxuu ka qabtay Caqabadihii hore? Muxuuse soo Kordhiyay?
Waxa layidhi wabaa” Nin laba falaadhood ku dhaceen oo midi joogstay Isha midii kalana kaga joogsatay badhida deedna la yidhi waar teebaa lagaa horgooyaa isna yidhi Aar Horta aan dabada u fadhiistee ta badhida”!!!
Qodobada aan kor ku xusay waxa ugu Ceeb iyo Khasaare badnaa ka Shanaad ee ah Colaada xun ka dhex aawanayd labada beelood ee degaanka Ceel Afwayn oo dhiig badani ku daadanayay 3 sano ee ugu dambeeyay siina Xoogaysanayay maalinba maalinta ka dambaysa Shacab iyo Dawladna inagu Abuurtay Yaxyax iyo warwar Joogto ah Aanan isla wada garanay inaynaan wax kale wadi karin ilaa aan Arintaa iska soo Afjarno.
M.waynuhu isagoo dhankiisa Ceebta iyo Culayska qaran ee dhiigaa daadanay wuxuu dhankiisa u gun taday dhamaynta Arintaa ugu Horayn wuxuu sameeyay inuu kala joojo lana jelo dhex dhexaadin ka duwan kuwii hore Shaqayn waayay deedna wuxuu isticmaalay Ergadii abid ugu cuslayd ee Dawlada Somaliland u Isticmaasho Damin Colaadeeed oo ka madax banaan hanaanka Waaxyaha qaranka
Tani waxay noqotay Talaabo muujisay sida m.wahnuhu ugu Adag yahay wax ka qabashada arintan colaadeed iyo kuwa kalaba
Ugu dambayn inkabadan 30 maalmood oo 66 argo ahi fadhiyeen Ceel Afwayn Shalay ayay Shaaciyeen inay dhameeyeen Garnaqii Soona Saareen qodobo lakala dhex dhigay Ilaahaw waa kugu mahad Ergadaana wanaag ku abaali…
Hadaba dhankaa dhan dhaha oo ku dara Bangiga Xisaabta wanaagsan ee m.waynaha dhamaanteena aan u qirno inuu wajahay midkamida caqabadihii Adkaa ee uu dhaxlay.
M.waynahan waxan leenahay Xukunkaa cidii ka hor Timaada ama jabisa Gacanta ugu adag ku qabo hada wixii ka hortimaada.
Ilaahay hakuu sikhro Masuuliyda Culus ee aad noo hayso halkaana ka wad geediga Togan anana barbarkaaga ayaan nahay

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top