Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Dawladda Maraykanka Oo Ka Wad-Hadlay Dagaalka Tuke-Raq Iyo Wada-Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

advertise

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Dawladda Maraykanka Oo Ka Wad-Hadlay Dagaalka Tuke-Raq Iyo Wada-Hadalladii Somaliland Iyo Soomaaliya

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-simahaSafiirka, ahna safiir-ku-xigeenka waddanka Maraykanka u qaabilsan dalalka Somaliland Ambassador Martin Dale.

Kulankan dhexmaray madaxweynaha iyo ku-simaha safiirka oo muddo saacado ah socday, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo la xidhiidha mandaqadda Geeska Afrika, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay muddadii ay jirtey.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo markii kulankaasi dhammaaday warbaahinta u faah-faahiyey, ayaa sheegay in laga wada-hadlay xaaladda deegaanka Tukaraq, isla markaana uu madaxweynuhu safiirka hogo-tusaaleeyey sida uu u danaynayo nabad buuxda oo deegaanka ka hirgasha, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Madaxweynaha iyo ku-simaha safiirku waxa ay ka wada hadleen, xaaladda xabbad-joojinta xiisadda ka taagan deegaanka Tukaraq ee gudaha dalka Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo ay isla qaadaa dhigeen xaaladihii uu deegaankaasi soo maray iyo xaaladda xabbad-joojineed ee ay ku jirto, waxan uu madaxweynuhu u caddeeyey safiirka inay Somaliland ka go’an tahay xabbad-joojintu, inkasta oo deegaankaasi gudaha Somaliland ku yaallo, haddana ay jamhuuriyadda Somaliland tixgelinayso nabadgelyo taam ah oo deegaanka ka hirgasha.”

Afhayeenku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo safiirku waxa ay ka wada hadleen sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya oo muddoba hakad ku jirey, waxana uu safiirku madaxweynaha ku bogaadiyey hannaanka fiican iyo horumarka dalka ka socda, isagoo ku majeertay doorashooyinkii ugu dambeeyey ee dalka ka dhacay,” ayuu yidhi af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac oo sharraxaya kulanka madaxweynaha iyo ku-simaha safiirka dhexmaray, Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top