Connect with us

somalilandtoday.com

Haweenay U Shaqaynaysay Qaramada Midoobay Oo Dablay Ay Caawa Ku Dhaawacday Laascaanood

focus

Haweenay U Shaqaynaysay Qaramada Midoobay Oo Dablay Ay Caawa Ku Dhaawacday Laascaanood

(SLT-Laascaanood)-Wararka Ka imanaya Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ugaaso Xasan Basaas oo ahayd madaxa Hay’adda Caafimaadka u qaabilsan qaramada Midoobay ee WHO ayaa lagu dhaawacay magaalada Laascaanood.

Rag hubeysan ayaa rasaas ku furey iyadoo ku sugan Huteel Warsame oo ku yaalla Gudaha Laascaanood kadibna ka baxsaday Goobta.

Maamulka Gobolka iyo ciidammada Booliska ayaan faahfaahin ka bixinin, hasayeeshee waxa goobta uu shilku ka dhacay soo gaadhay isla markiiba ciidamo ka tirsan booliska,kuwaas oo ku daba jira dablaydii Hubaysnayd.

Xaliimo Xasan Basbaas ayaa lagu dabiibaya cusbitaalka Magaaladda Laascaanood.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top