Connect with us

somalilandtoday.com

Fiqiga Dawladnimada maygu Dhaantaa?…W/Q Prof Cabdi Cali Jamac

Articles

Fiqiga Dawladnimada maygu Dhaantaa?…W/Q Prof Cabdi Cali Jamac

Wasiirka iyo Agaasimaha labadaba waxa magacaaba Madaxweynaha; caqliga iyo curfiguba wuxu sheegayaa in shaqo ninkii kuu dirtay oo kaliyi kaa hakin karo ama kaa eryi karo, haddaba ma jiraa sharci cad oo sheegaya in awooddaas uu leeyahay wasiirku? anigu kuma hayo Xeer 71 ee kala xadaynta. Haddii ay jirto, ha la ii sheego; haddii kale caqliga iyo curfiga ayaa la raacayaa.
Anigu curfiga dawladnimo iyo caqliga ayaan ka hadlayaa, bal idinkuna ta sharciga ka soo hadla. waaba mid subxanllah haddii sharcigu ka hor yimaado

caqliga iyo curfiga dawladnimo.

Horta anigu illaa iimika waxa ii muuqata , haddii qiyaastaydu sax tahay, in team-kan ku cusub dawladnimada ay u haystaan in Agaasimaha Guud gacan yare u yahay Wasiirka sida Wasiirku gacan yare ugu yahay M/weynaha, Ma aha adeer sidaa. Haa,wasiirku waa kaaliyaha iyo gacan yaraha madaxweynaha, laakiin Dg-gu kaalintaa uguma jiro wasiirka. oo Haddaa waa siee? ma maqasheen waxa af-ka ingiriisiga lagu yidhaa ‘Deep government’ oo af-somali aan ku turjumi lahaa,dawladda aasan. DG-gu waa halka ay ka bilaabanto dawladda aasan. Wasiirka ,W.kuxigeenka iyo waxaasi waa dawladda muuqata.
M/weynaha la doortay iyo wassiradiisu waxay u sheegayaan dawladda aasan siyaasaddooda ay rabaan in ay dalka ku wadaan muddada ay xilka hayaan kaliya; Dawladda aasan ayaa markaa u sheegaysa wixii suuragal ah ee la fulin karo iyo waxaan la fulin karin. waxay odhan kartaa dawladda aasani waxaas iyo waxaas suuragal ma aha sharci ahaan ama farsamo ahaan; maxaa yeelay, hadduu doono siyaasigu wuxu ku soo ololaynayaa arrimo aan suuragal ahayn; waxay odhan karaan waxaas iyo waxaas way suuraglayaaan saddex sano, shan sano ama toban sano gudahood; diraasad baa la samaynayaa; ma suuragalayaan waxaasi muddada aad xilka haysaan ; arrinkani waa arrin qorshe dheer u baahan( long term plan) IWM. Wax kale oo dawladda muuqataa faraha la geli kartaa ma jirto; hawl-galka shaqo kuma laha. Wuxu wasiirku helayaa warbixin joogto ah; wuxu leeyahay inuu kormeero, laakiin dukaanka nin baa haysta isagu shaqo kuma laha.
Waxa sidaa loo yidhi aan eray ku soo koobo; waa si uu u dhismo waxa loo yaqaan institutioinn ama wasaarado duug leh; haddiise awoodda oo dhan la siiyo wasiirka kolba yimaadda, waligeed sal dhigi mayso, duugna ma reebayso.
Dee, maxaan samaynaa, casharo fiqiga dawladda ah ma bilawnaa inteenna wax u baxsan yihiin?
Cabdo;
u dhaq-dhaqaaqa arrimha bulshada iyo dawladnimada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top