Connect with us

somalilandtoday.com

Deg-deg: Xaaladda Magaalada Jig-Jiga oo Cakiran, Kadib Markii Ciidamada Federaalku La Wareegeen iyo Madaxwayne Cabdi Iley oo La Sheegay In La Xidhay.+SAWIRRO

focus

Deg-deg: Xaaladda Magaalada Jig-Jiga oo Cakiran, Kadib Markii Ciidamada Federaalku La Wareegeen iyo Madaxwayne Cabdi Iley oo La Sheegay In La Xidhay.+SAWIRRO

(SLT-Jigjiga)Magaalada Jig-jiga ee xarunta ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo sheegayaa inay halkaas ka jirto xaalad cakiran iyo jaahwareer kadib markii ay ciidamada federaalku soo galeen magaalada isla markaana ay qabsadeen dhammaan xarumaha dawladda iyo jidadka muhiimka ah ee magaalada.

Wararkan oo hadda uun soo dhacay ayaa sheegaya in shakhsiyaad fara badan xabsiga loo taxaabay, halka aan wali la xaqiijin in Madaxwayne Cabdi Iley gacanta lagu dhigay.

Wararka qaarkood ayaa sheegaya in xiisaddu kacsan tahay bililiqona ay ka socoto magaalada, hase yeeshee warkan wixii ka soo kordha kala soco halkan. Wixii warar ka soo kordha kala soco shabakada Somalilandtoday.com

Somalilandtoday/Hargaysa/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top