(SLT-Zimbabwe)-Ra’isulwasaarihii hore ee Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa dalka Zimbabwe kula kulmay madaxweynihii hore ee kaligii taliyaha ahaa Mengistu Haile Mariam, kadibna sawir ay wada dhigeen ayuu soo dhigay bartiisa Facebook.
Balse Mr Desalegn ayaa markii dambe ku qabsanaaday in uu sawirkii ka saaro boggiisa kadib markii uu buuq badan ka dhashay.
Dad badan ayaa u turjuntay in Mengisto oo horey maxkamad ugu xukuntay dil toogasho ah, loona haysto in xad gudubyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan in la damacsanyahay in uu ku laabto Itoobiya.
Horey Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Dr Abiy ayaa laga soo xigtay in uu cafinayo Mengistu, dalkana kusoo laaban doono, waxayna dadka sawirkan hadda u fahmeen in Dr Abiy uu ka warhayo kulanka.
Lahaanshaha sawirkaHAILEMARIAM DESALEGNImage captionHailemariam Desalegn ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Mengistu uu wax ku kordhinayo Itoobiya
Muxuu gaystay Mengistu?
Sanadkii 2007-dii ayay maxkamad ku heshay dambiyo xuquuqda bini’aadamka ka baxsan, waxayna ku xukuntay dil isaga oo Itoobiya ka maqan.
Gaim Kibreab oo ka tirsan jaamacadda South Bank University ee London oo aad wax uga qoray Mengistu ayaa sheegay in kulanka uu qaracan yahay, xitaa xilliga Ra’isulwasaaraha nabad doonka ah, Dr Abiy.
Balse ma ahan markii koowaad ee uu Mengistu, horey ururada mucaaradka Itoobiya ayaa sawirkiisa u isticmaalay isbedelka ka hor si ay u muujiyaan carada ka haysay xukunkii Itoobiya.