(SLT-Muqdisho)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa war ka soo saaray xaalada mugdiga ah ee uu galayo xiriirka Soomaaliya iyo Jabuuti, kaddib booqashadii dhowaan Madaxweyne Farmaajo ku tagay dalka Eritrea oo ay colaad u dhaxeyso Jabuuti.
Dowladda Jabuuti ayaa dhaleeceyn u jeedisay hadal uu jeediyay Madaxweyne Farmaajo intii uu ku sugnaa Asmara, kaasoo ahaa in xayiraada iyo cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, waxaa uu kaga hadlay xaalada soo korortay iyo baaq uu u diray Madaxweynaha oo ahaa inay dib u eegis ku sameeyaan mowqifka Eritrea.
Halkan hoose ka akhriso
Waa tallaabo dhanka fiican loo qaaday haddii dowladda Soomaaliya ay hagaajineyso cilaaqaadka aan la leennahay dowladaha iyo shucuubta gobolka.
Hase yeeshe, shacabka iyo dowladda reer Jabuuti waxay naga mudan yihiin in aan dhowrno oo aan ugu hiillinno jiritaanka dalkooda iyo dowladnimadooda. Suurtagal nagama aha in ay nala sahlanaato dhammaanshaha dhulka reer Jabuuti iyo geesiyaasha wali dagaalka lagu la’yahay. Waxay naga mudan yihiin inaan ugu hiillinno sidii ay noogu hiilliyeen oo ay waligood noo garab taagnaayeen oo ay ugu dambeysay ragga iyo gabdhaha HIIL WALAAL ee naftooda Soomaaliya u huray. Dadnimada iyo damiirkuba waxay noo tilmaamayaan inaan laga abaal dhicin.
Bani’aadamka hadiyad uu bixiyo waxaa ugu qaalisan NAFTA. Reer Jabuuti xoog iyo xoolo kaliya naguma garab istaagin ee naf iyo dhiig ayey noo hureen.
Madaxdeennu ma isweydiyeen meeqa CARRUUR ah ayaa aabbayaashood ku waayay Soomaaliya. Sidoo kale meeqa MARWO AYAA SAYGII AY JECLAAYEEN ku waayay Soomaaliya ama meeq HOOYO ayaa wiilashii ay jeclaayeen ku waayay u hiillinta jiritaanka Soomaaliya.
Haddaba, Madaxda dalkeenna waxaan ugu baaqayaa iney dib u eegis dhab ah ku sammeeyaan MOWQIFKA ay ka qaateen arrimaha u dhaxeeya Jabuuti iyo Ereteriya.
Walaalaha reer Jabuutine waxaan leeyahay:
“HIIL WALAAL MA HUNGOOBO”