Connect with us

somalilandtoday.com

Kiisas Hor Leh Oo Xanuunka Ebola Ah Oo Laga Helay Dalka Congo

focus

Kiisas Hor Leh Oo Xanuunka Ebola Ah Oo Laga Helay Dalka Congo

(SLT-Congo)-Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa bilaawday inay shaqaale iyo agab caafimaad geeyso dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo laga soo sheegay kiisas horleh oo cudurka Ebola

Madaxa xaaladaha degdega ah ee Hay’adda caafimmaadka adduunka ee WHO Peter Salama ayaa sheegay in caqabada ugu weyn ay noqon doonto sidii lagu ogaan lahaa tirada dadka ee qaba xanuunka, madaama halka uu cudurku ka dilaacay ay tahay deegaan ay colaad ka jirto.

Heer cusub ayey arrintaasi galinaysaa cudurka Ebola ee haatan ka dilaacay magaalooyinka, taas oo ah xaalad ay durbaba walaac ka muujisay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Laba bilood ka hor ayay ahayd markii xukumadda Koongo xaqiijisay in kiis caabuqa Ebola ah lagu arkay magaalada Mbandaka ee Waqooyi Galbeed, ee halkaas oo ay ku nool yihiin hal milyan oo qof.

Tani iyo 1976 waa marki lixaad uu cudurka Eboolaha uu ka dillaaco Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo.

Cudurka Ebola ayaa la aaminsan yahay inuu si xowli ah uu u faafo dadkuna ay ka qaadaan hilibka fiidmeerta ee dlkaasi Kongo si weyn looga cuno

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top