Connect with us

somalilandtoday.com

Xoghayaha Difaaca Dalka Ingiriiska Oo Bookhasho Aan La Shaacin Ku Tagay Magaalada Muqdisho

focus

Xoghayaha Difaaca Dalka Ingiriiska Oo Bookhasho Aan La Shaacin Ku Tagay Magaalada Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Xoghayaha difaaca ee dalka Britain Gavin Williamson ayaa maanta booqasho ku tagay magaaladda Muqdisho.

Mr. Givin ayaa la kulmay madaxweeynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Inkastoo kullankaasi aan loo ogolaan saxaafadda hadana, illo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegay in looga wada hadalay nabadda Geeska Africa, siyaasada iyo isbadaladda amni ee Soomaaliya.

Mr. Gavin ayaa sidoo kale la kulmay saraakiil sar sare oo ka tirsan miltariga Soomaaliya oo uu wehliyay wasiirka difaaca Soomaaliya Xasan Cali Maxamed iyo taliyaha military-ga Soomaaliya General Cabdiweli Jaamac Gorod.

War kooban oo uu ku qoray bartiisa twitter-ka ayaa wasiirka difaaca ee UK waxa uu ku sheegay in waxyaabihii ay masuuliyiinta Soomaaliya kala hadleen ugu muhimsanaayeen xilli kala guurka Soomaaliya ee doorashooyinka iyo la wareegista amaanka dalka marka ay Amisom ka baxdo.

UK waxaa Soomaaliya ka jooga ciidan kooban oo u badan tababareyaal waxayna caawiyaan ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.

Wasiirka difaaca ee UK ayaa Muqdisho ka hor todobaadkan waxa uu soo maray Ethiopia iyo Kenya.

Somalilandtoday/Muqdisho/Office

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top