Connect with us

somalilandtoday.com

Weeraro Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Jalalabad Ee Dalka Afghanistan

focus

Weeraro Iyo Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Jalalabad Ee Dalka Afghanistan

(SLT-Afghanistan)-Rag hubaysan ay weerar ku qaaday xero qaxooti oo ku taala magaalada Jalalabad ee dalka Afghanistan.

Afhayeen u hadlay masuuliyiinta gobolka Attaullah Khogyani ayaa wakaaladda wararka ee AFP u xaqiijiyay in goobta la weeraray ay ahayd xero dib u dejin loogu sameeyo qaxootiga isla markaana ay daganaayeen qaar kamid ah ururada caalamiga ah,waxaana uu intaas ku daray in weerarku uu ku bilowday qarax kadibna uu xigay dagaal toos ah oo dhex maray ciidanka ilaalada ka hayay xarunta iyo raggii weerar soo qaaday.

Dhinaca kalena dagaal culus ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay Isbitaal ku yaala Jalalabad kadib markii qarax lala beegsaday meel u dhow afafaafka hore ee Isbitaalka, sida laga soo xigtay madaxda gobolkaasi.

Sarkaal ka tirsan dowlada Afghanistan ayaa sheegay in dagaal culus uu dhex maray ciidamada ammaanka ​​iyo ragga weerarka soo qaaday, waxa uuna intaa ku daray in uusan wax khasaaro ah oo ciidanka kasoo gaaray dagaalkaasi.

Ilaa iminka ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay masuuliyada weerarada iyo qaraxyada lala beegsaday Isbitaalka iyo xerada qaxootiga ee ku taala Jalalabad.

Weerarada iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Jalalabad ayaa kordhay saddexdii bilood ee la soo dhaafay waxaana ku dhintay ugu yaraan 160 qof halka in kabadan 490 qofna ay ku dhaawacmeen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top