Connect with us

somalilandtoday.com

Qarax Xooggan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Buuhoodle

focus

Qarax Xooggan Oo Sababay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Gudaha Magaalada Buuhoodle

(SLT-Buuhoodle)-Qarax xooggan ayaa ka dhacay magaalada Buuhoodle, kaasi oo intiisa badan laga maqlay magaalada Buuhoodle.

Qaraxa ayaa la sheegayaa in uu ka dhacay magaalada salaadii makhrib kadib, iyadoo lala begsaday gaadhi ay la socdeen siyaasiyiin.

Sida wararka nagu soo gaadhayaan ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxa ay ku dhinteen laba qof, halka ay ku dhaawacmeen 4 qof

Dadka waxyeelada ka soo gaadhay qaraxa ayaa la sheegayaa in ay ka mid yihiin Siyaasi Axmad Maxamuud Doolaal wasiirkii hore ee arrimaha gudaha maamulkii Khaatumo iyo Cabdifitaax Cali oo la taliye u ahaa Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdrashiid.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in ku dhintay Axmad Maxamuud Doolaal Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Khaatumo.

Qaraxa kadib waxaa magaalada soo gaadhay ciidammada ammaanka, waxaa hakad galay isu socodkii dadka, ganacsiga iyo gaadiidka, waxaana weli magaalada laga maqlayaa rasaas ay ridayaan ciidanka.

Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco halkan

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top