Connect with us

somalilandtoday.com

Natiijooyinka Hordhaca Ee Doorashada Zimbabwe Oo Lagu Dhawaaqay

focus

Natiijooyinka Hordhaca Ee Doorashada Zimbabwe Oo Lagu Dhawaaqay

(SLT-Zimbabwe)-Xisbiga talada haya ee Zanu-PF ee dalka Zimbabwe ayaa la sheegayaa in ay ku guuleysteen codadka ugu badan doorashada barlamaaniga ee dalkaasi ka qabsoontay isniintii lasoo dhaafay ,sida ay sheegeen gudiga doorashada

Natiijooyinkan oo ah kuwo hordhac ah ayay hadana gudiga doorashadu sheegayaan in 109-kuraasta barlamaanka ay heleen xisbiga uu hogaamiyo madaxweyne Mnangagwa taasoo ka dhigaysa in ay haystaan codadka ugu badan aqlabiyadda barlamaanka dalkaasi.

Xisbiga mucaaradka ah ee MDC ayaa iyana la sheegayaa in ay haystaan 41-kuraasta barlamaanka ah inkastoo weli ay harsan yihiin 58-kursi kuwaasoo weli aan la ogeyn xisbiga helaya codadka doorashada barlamaanka dalka Zimbabwe.

Madaxweyne Emmerson Mnangagwa ayaa ugu baaqay xisbiyada tartamaya in ay u hogaansamaan natiijooyinka ay soo saarayaan gudiga doorashada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top