focus “Ma Jirto Bookhasho Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle Uu Ku Tagayo Eritrea” Wasiirka Arrimaha Dibeda Jabuuti ByWariye Published on August 1, 2018 Share Tweet (SLT-Jabuuti)-Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo Qoraal kooban soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayaa wax-ba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxayay oo sheegaya in madaxweynaha Jabuuti booqanayo dhawaan waddanka Eritrea. Wasiirka ayaa ku tilmaamay wararka ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta kuwo aan waxba ka jirin, isaga oo intaa ku daray in wali aan xal laga gaadhin sidda uu hadalka u dhigay qalalaasihii dhinaca xadduuda ee labada dawladood Jabuuti iyo Ertirea. Hadalka Wasiirka ayaa imanaya kaddib markii qaar ka mid ah warbaahinta lagu daabacay warar sheegaya in dhawaan magaalada Asmara uu tagi doono madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle. Dawladda Jabuuti ayaa dhawaan ka cosatay Qaramada Midoobey in la xaliyo khilaafka dhinaca xudduuda ah ee kala dhaxeeya waddanka Eritrea. Continue Reading Advertisement You may also like... Related Topics: