Connect with us

somalilandtoday.com

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Ugu Sarraysa Wasaaradda Horumarinta Jidadka Iyo Gaadiidka Somaliland

focus

Khilaaf Ka Dhex Qarxay Masuuliyiinta Ugu Sarraysa Wasaaradda Horumarinta Jidadka Iyo Gaadiidka Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Cumar Sayid, ayaa la sheegay innuu u dhaxeeyo Khilaaf cakirran oo muddooyinkii u danbeeyay soo jiitamaayay.

Warar aannu helayno ayaa sheegaya in labada masuul khilaafkooda ugu weyni uu salka ku hayey muran ka dhashay Shirkaddii bixin jirtey Liisanka lafta ah ee Darawalliinta gaadiidka, taasoo uu Wasiirku doonnaayo innuu ku badalo Shirkad kale oo sida la sheegay ay isku deegaan yihiin, iyaddoo uu Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasunna uu ka soo horjeestay tallaabaddaas.

Ilo warreedyo Madax-bannaan oo si dhaw ula socday khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, ayaa shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews u xaqiijiyay, in labadda Mas’uul ay isku hayaan Shirkaddii hore u bixin jirtay Liisanka Darawalka oo la yidhaahdo Somaliland ID card Public company, taasoo uu Wasiirku doonnaayo innuu ku badalo shirkad kale oo la yidhaahdo Sahal Group.

Warku waxa uu intaas ku daray in Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka Somaliland Cabdilaahi Abokor Cismaan, uu saxeexii ka joojiyay Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Cumar Sayid, waxaannay talaabadani sii xoojinnaysaa ismaan-dhaafkii u dhaxeeyay, isla markaanna sii murjinnaysa Khilaafkoodda ku saabsan awooddaha ay u kala idman yihiin.

Maaha markii ugu horraysay ee laba Masuul oo isku Wasaarad ahi uu dhex-maro khilaaf noocan kale, hase yeshee waxa maalmihii la soo dhaafay uu khilaaf u dhaxeeyay Wasiirka Warfaafinta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas, inkastoo Arbacaddii shalay uu Madaxweynaha Somaliland xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii guud ee Wasaaraddaas Warfaafinta.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top