Connect with us

somalilandtoday.com

“Kaftanka Maanta,Way Isku Wadda Handaraaban Tahey”

Articles

“Kaftanka Maanta,Way Isku Wadda Handaraaban Tahey”

Baryahan danbe waa tan la leeyihey way inagu handaraaban tahaye’anigga habeenkii xalay ahaa ayuun baa handaraabkaa Manaam la igu tusay .


Waxaan arkay gurri wayn oo ah nooca loo yaqaano bangaladda oo dayr leh ,gurigaas oo dad ka buuxo ,dushana handaraab kagga xidhan yahey .

Anigga iyo ragg aan ku jiraa ,dayrkaa horre ayaanu ku Han daraabanahay ,horre uma geli karro guriga waayo hoostuu ka Han daraaban yahey ,dabadana ugama soo bixi karro oo waa ka ka handaraaban .

Daraadda dhexe waxaa fadhiya saaxiibkay Xuseen Badhaani iyo xer kale ,oo iyana halkaa ku handaraaban ,dayrka uma soo bixi

Karan ,horrena uma socon Karan ,halkaa say ku handaraaban yihiin .
Dayrka debedda mutul ka dhisan isna waxaa ku handaraaban saaxiibkay Mustafe Barud oo meel daloosha cadceedda ka eegaya .

Qolka fadhiga oo ah qol wayn waxa ku handaraaban rag badan oo uu aan ka gartay Maxamed Abiib iyo liibaan ismaacil ,oo siddii laggu handaraabay cagihi daaleen .

Dabeeto buuq iyo qaylaa bilaabantay ah muran la isku riix riixayo handaraabka , dayrkaa idinku handaraaban .fadhigaa idinku handaraaban ,daaradaa idinku handaraaban ,mutulkaa idinku handaraaban ,markii la is la daaley baa la yidhi ,dee waatanoo isku xiiqnaye ninkaan handaraabnayni ha iska taggo mise waabay isku wadda handaraaban tahey ,ninba meel uu ku handaraaban yaheyba .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top