Connect with us

somalilandtoday.com

Dawladda Maraykanka Oo Soo Dhawaysay Ciwaannada Uu Facebook Xidhay

focus

Dawladda Maraykanka Oo Soo Dhawaysay Ciwaannada Uu Facebook Xidhay

(SLT-Washington)-Wasiirka amniga gudaha ee Maraykanka ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Facebook ku xiray in kabdan soddon ciwaan oo u muuqday in loogu talogalay in lagu farogaliyo doorashada wakhtiga dhexe ee dalka Maraykanka.

Kirstjen Nielsen ayaa sheegay in iskuday kaste oo lagu farogalinayo doorashada uu yahay weerar lagu qaaday dimuqraadiyadda, isla markaasna uusan Maraykanku u dulqaadan doonin farigalin noocaas ah.

Facebook ayaa tiray in kabadan toban kun qoraallo ah iyo 150 shay oo xayaysiin loo sameeyay.

Bartan ay bulshadu ku xiriirto ayaa sheegtay in aysan hubin isha hawlgalkaas, balse qaar ka mid ah qoraallada been abuurka ah lala xiriiriyay ciwaanno ay adeegsan jireen aqalka Ruushka looga arrimiyo ee Kremlin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top