Connect with us

somalilandtoday.com

Barnaamikja Galka Baadhista Ee Idaacadda VOA-da Oo Ka Digay Khatar Dhaqaale Ku Soo Waajanan Soomaaliya

focus

Barnaamikja Galka Baadhista Ee Idaacadda VOA-da Oo Ka Digay Khatar Dhaqaale Ku Soo Waajanan Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Waxaa bilihii ugu dambeeyey ay hoggaamiyayaasha Geeska Afrika ka hadlayeen inay samaystaan is-dhexgal dhaqaale. Hindisahan waxaa dardargeliyey hoggaamiyaha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed.

Dhinaca kale Soomaaliya waxay dhowaan si rasmi ah ugu biirtay waddamada ku jira ururka ganacsiga ee ugu weyn qaaradda Afrika ee lagu magacaabo COMESA oo ay haatan ku jiraan 21 waddan.

Soomaaliya waxay sidoo kale codsatay inay xubin ka noqoto urur goboleedka East African Community (EAC) oo ay ku jiraan Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi iyo Rwanda kaasi oo la aasaasay 1999-kii isna ujeeddadiisu tahay iskaashi dhaqaale, siyaasadeed, ijticmaaci, midow lacageed iyo ugu dambayn midow siyaasadeed.

Ilaa haatan dawladda Soomaaliya masoo bandhigin daraasad ku saabsan saamaynta waddanka uga iman kara tallaabooyinka, sidoo kale ma cadda in lagu sameeyey daraasad cilmiyeysan oo madaxbannaan.

Haddaba muxuu yahay is-dhexgal dhaqaale? Soomaaliya iyo gobolku diyaar ma u yihiin? Maxaa raad ah ee ka dhalan kara? Waa mowduuca Barnaamijka Galka Baadhista, waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf ee Halkan hoose ka DAAWO

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top