Connect with us

somalilandtoday.com

Wasiir Wax Ka Sheegay Xaaskiisa Isaga Oo La Jooga Reer Xididkiisa Ah!

focus

Wasiir Wax Ka Sheegay Xaaskiisa Isaga Oo La Jooga Reer Xididkiisa Ah!

(SLT-Shiinaha)-Wasiirka arrimaha dibedda ee Britain Jeremy Hunt oo socdaal rasmi ah ku jooga dalka Shiinaha, balse waa hadal uu ka sheegay xaaskiisa waxa inta badan warbaahinta dalkaas ay aad u tabinayso.

Isaga oo kulan la qaadanayay dhiggiisa Shiinaha Wang Yi ayuu yiri “Xaaskay waa Japaaniis, maya waa Shiinees, waan qalmay”.

Dadkii meesha joogay waa ay qosqosleen, balse sheekada halkaas kuma aysan damin.

Xaqiiqda koowaad waxa ay tahay in xaaskiisa ay tahay Shiinees, waxayna isu hayaa 3 carruur ah.

Muxuu gefkan u qoomay dadka Shiinaha?

1. Shiinaha iyo Japan waa isku lid

In dalka Shiinaha lagu qaldo waa gef haddii aad doonaysid in xiriir wanaagsan uu idin dhex maro madaxda Shiinaha, balse marka laga yimaado dalalka kale ee adduunka, gefka ugu weyn waxa uu noqonayaa in aad Japaan ku qaladid ama u malaysid Shiinaha.

Waxaa tan ugu wacan in labada dal uu ka dhaceeyo muran qaraar oo muddo soo jiitamayay, dhawr jeer ayay dagaalameen, iyaga oo sidoo kale isku haya jasiiraddo ku yaala badda Bariga Shiinaha.

Dadka waaweyn ee Shiinaha, waxaa jira kuwa badan oo aanan xitaa iibsanin alaabaha lagu sameeyo Japan, ama aananba dalxiis u aadin. Waxa ay ku eedeeyaan in Japan aysan ka garaabin gaboodfaladii ay geysatay xilligii dagaalada.

2. Fahamka arrinka

Waa sahlantahay in uu qof sameeyo qalad, islamarkaasna kasoo fakado hadal ama uu isku qald jinsiyadda labo qof.

Mr Hunt waxa uu ku hadlaa afka Japan, muddo 2 sano ayuuna Japan ku noolaa isaga oo afka Ingiriiska ka dhigi jiray dalka Japan.

Balse hadda waxa uu la kulmayay madaxda Shiinaha, wayna adagtahay in la fahmo waxa afkiisa ka keenay Japan, gaar ahaan isaga oo ka hadlayay xaaskiisa.

3. Takoorka dadka

Waxaa jira kaftan caadi iska noqday, kaas oo ah in dadka reer Aasiya oo dhan ay isu wada egyihiin, waxayna dadka Bariga Aasiya ka yimid ka cawdaan in dadka ay sameeyaan malo awaal qaldan.

Waxaa aad loo isticmaalaa salaanta “Konnichiwa” oo ah salaanta Japan, balse waxaa lagu dhahaa qof kasta oo reer Aasiya ah, sidoo kale waxaa la isticmaalaa salaanta Shiinees ee “Ni Haos”.

In wasiir arrimo dibedeedna uu hadalkaas ka fakado waa mid nasiib darro weyn ah.

Waxaa intaas sii dheer in Mr Hunt uusan cajab galin doonin dadkii uu martida u ahaa, taas oo ahayd micnaha dhan ee hadalka ka yeersiisay.

4. Xitaa haddii uusan hadalkan oran lahayn, miyuu soo jiidan karay Shiineeska?

Maadaamaa haykalka iyo saamaynta Shiinaha ee awoodaha adduunka ay aad kor uga sii kacayso, siyaasiyiin badan ayaa isku dayaya in ay soo jiitaan Shiinaha.

Balse waxaa aad u sahlan in afka laga yiraahdo, marka ay timaado in ficil ahaan loo sameeyo.

Tusaale ahaan agaasimaha Facebook Mark Zuckerberg iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa isku dayay in ay ku hadlaan kalmado afka Mandarin-ka ee Shiinaha, balse aragtiyo aad u kala duwan ayay dadka ka bixiyeen.

In qofka uu leeyahay xiriir qoys oo Shiinees ahna ma ahan arrin ka dhigan in xiriirka idinkala dhaxeeya Shiinaha uu wanaagsanaanaayo. Waxay ku xirantahay hadba moowduuca iyo hawsha aad faraha kula jirto.

Tusaale ahaa Gary Locke ayaa noqdey safiirka Maraykanka u fadhiya Shiinaha intii u dhaxaysay 2011-kii illaa 2013-kii, waxaana lagu sheegay in uu yahay qofkii koowaad oo ah iska dhalka Shiinaha iyo Maraykanka ee xilkaas qabta.

Hase yeeshee waxa uu marar badan la kulmay eedeymo kaga imanayay warbaahinta Shiinaha, gaar ahaan markii xiriirka labada dal uu xumaaday.

Wargeyska The Global Times ee Shiinaha kasoo baxa ayaa soo qorey in Mr Locke uu yahay siyaasi caadi ah oo Maraykan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top