Connect with us

somalilandtoday.com

Tirinta Codadka Doorashada Dalka Zimbabwe Oo Bilaabatay

focus

Tirinta Codadka Doorashada Dalka Zimbabwe Oo Bilaabatay

(SLT-Zimbabwe)-Tirinta codadka doorashada ka dhacday dalka Zimbabwe ayaa bilaabatay iyadoo doorashadan ay tahay tii ugu horeysay ee ka dhacda dalkaas tan iyo markii talada laga tuuray Robert Mugabe.

Dadka u soo baxay inay codadkooda dhiibtaan ayaa aad u sareysay iyadoo dad kabadan shan malyan oo ruux loo diiwaangeliyay inay codeyn karaan.

33 musharax ayaa u tartamaysa xilka Madaxweynaha dalka Zimbabwe iyadoo hogaamiyaha xisbiga ZANU-PF Madaxweyne Emmerson Mnangagwa oo 75 jir ah, uu si adag ula tartamayo hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ninka 40jirka ah Nelson Chamisa.

Doorashooyinkii hore uga dhici jirey dalka Zimbabwe ayaa waxaa hareyn jirey cabsi gelin iyo hanjabaadyo balse doorashada maanta dhacday waa ay ka duwaneyd oo waxa ay ahayd mid ku dhacday jawi nabdoon.

Waxaana markii ugu horeysay tan iyo sanadkii 2002dii goobjoog ka ahaa doorashadan kormeerayaal ka socday qaarada Yurub iyo Maraykanka.

Elmar Brok madaxa goobjoogayaasha ka socday Midowga Yurub ayaa sheegay in doorashada ay ku dhacday si wanaagsan balse meelaha qaar aan si wanaagsan loo habeyn.

Natiijada doorashada ayaa la filayaa in lagu dhowaaqa maalinta Sabtida ee soo socota, waxaana doorasho labaad la geli doonaa haddii uusan musharax helin codad ka badan boqolkiiba konton. Doorashada labaad ee ku celiska ah ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo bisha September ee soo socota.

Dalka Zimbabwe ayaa doorashadan maanta ay dhacday iyadoo uusanwax lug ah ku lahayn Robert Mugabe oo muddo dheer soo xukumayay dalka ku yaal Koofurta Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top