Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Trump Oo Diyaar U Ah Inuu La Kulmo Hogaamiyaha Iiraan

focus

Madaxweyne Trump Oo Diyaar U Ah Inuu La Kulmo Hogaamiyaha Iiraan

(SLT-Washington)-Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa soo jeediyay in u kulan la yeesho hogaamiyaha Iiraan shuruud la’aan xilligii ay labada dhinac ay isku af gartaan.

Wuxuu sheegay in u doonayo in u ka shaqeeyo wax muhiim ah oo lagu badalo heshiiskii dalalka caalamka ugu quwada weyn ay la saxiixdeen Iiraan ee Marykanka isaga baxay bishi May ee sannadkan.

Hamid Aboutalebi oo ah la taliyaha Madaxweyne Xassan Rouhani ayaa sheegay in wadahadallada ay ka horeyso in Maraykanka u dib ugu soo laabto heshiiska barnaamijka nukliyeerka.

Horaantii bishan Madaxweyne Trump ayaa Iiran ugu goodiyay inay cawaaqib xumo ay la kulmi doonto ka dib markii Madaxweyne Rouhani u ka digay in dagaal labada dal dhexmara uu noqon doonto hooyadii dagaallada oo dhan.

Trump ayaa muujiyay in uu rabo in uu la kulmo madax ay ka warwareegaan dawladdo kale, waxaana madaxdaas ka mid ah hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top