Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Jabuuti Oo Dhawaan Bookhanaya Dalka Ertirea

focus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Dhawaan Bookhanaya Dalka Ertirea

(SLT-Jabuuti)-Iyadoo ay muuqato in uu dib u soo noqonayo xidhiidhkii Eritrea ee qaarada Africa iyo guud ahaanba marka la eego caalamka intiisa kale ayaa dhawaan lagu wadaa in ay tagaan qaar ka mid ah madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka IGAD.

Todobaad kaddib sidoo kale waxaa tagi doona magaalada Asmara ee dalka Ertirea madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, iyadoo uu hadda ku sugan yahay dalkaas madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Booqashadan lagu wado in madaxda wadamada ku jira Urur gobolleedka ku tagaan Asmara ayaa meesha ka saari karta go’doomintii lagu hayay dalka Eritrea, waxaana dhici karta in ay dib u soo ceshato xubinnimadeedii Urur gobolleedka IGAD.

Sidoo kale Eritrea ayaa rajo badan ka qabta in laga qaado cunaqabateynta Qaramada Midoobey ee muddo dheerba saarneyd, kaddib heshiiskii taariikhiga ahaa oo ay la yeesheen Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top