Connect with us

somalilandtoday.com

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Israa’iil Oo Isku Casilay Sharci La Ansixiyay Dartiis

focus

Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Israa’iil Oo Isku Casilay Sharci La Ansixiyay Dartiis

(SLT-Israa’iil)-Xildhibaan carab ah oo ka tirsan baarlamaanka Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii uu ka carooday sharci ay meel mariyeen xubnaha baarlamaanka oo dhigaya in Israa’iil ay tahay qaran ay leeyihiin dadka Yuhuudda.

Zouheir Bahloul, 67 jir ah ayaa ku tilmaamay xubnaha baarlamaanka Israa’iil cunsuriyiiin dhibaata gaysanaya oo ansixiyay sharci kasoo horjeedo in luqadda Carabiga ay ahaato luqadda rasmiga ah ee Israa’iil.

Wuxuu u sheegay telefishinka Israa’iil ee Reshet in sharcigan uu bulshada carabta ka saaraya xaqii ay ku lahaayeen Israa’iil.

Hindise-sharciyeedka ay qalinka ku duugeen baarlamaanka Israa’iil waxaa caro iyo dibadbax ka muujiyay bulshada carabta laga tiro badan yahay ee halkaasi ku sugan.

Sidoo kale xubnaha baarlamaanka carabta ee Israa’iil ayaa jeexjeexay hindise sharciyeedka, waxayna ku dhawaaqayeen hadallo ka dhan sharcigan ka hor inta aanan laga saarin kalfadhiga.

Lahaanshaha sawirkaREUTERS
Image caption
Bulshada ah ee ku dhaqan Israa’iil ayaa muddo cabasho ka muujinaya gacan bidxayn lagu haya
Bahloul wuxuu yiri ” waxaan iska casilaya xilkayga xildhibaanimo sababtoo ah uma dulqaadan karo in aan halkan sii fadhiyo intii aan u codayn lahaa cunsurinimo iyo in aan taageero baarlamaan mintid ah”

Qaramada Midoobay oo cambaaraysay deegaamaynta Israa’iil

“Israa’iil waxay weerar ku qaadday Suuriya” TV-ga Suuriya

Kaddib markii la meel mariyay sharciga muranka dhaliyay, Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ku tilmaamay mid xoojinaya jiritaanka iyo taarikhda dalkiisa.

Bulshada carabta ee Israa’iil ayaa u arkaa sharcigan inuu yahay bahddil ka dhan ah sharaftooda .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top