Connect with us

somalilandtoday.com

Gaba-Gabo Ma,Aha Sheekaduyoo Wali Laysma Gaadhin. Faalo:- Qalinka:C/Raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).

Articles

Gaba-Gabo Ma,Aha Sheekaduyoo Wali Laysma Gaadhin. Faalo:- Qalinka:C/Raxmaan Sayid Faarax(Jeesto).

Xifaaltanka danaha caalamiga ah ee ka aloosan mandaqada Geeska-afrika oo aan maalin, Maalin ku dareyn isla markaana cirka isu sii shareeraya, Hadaba dagaalkani waxa uu salka ku hayaa Dano dhaqaale, Gaashaan-buur siyaasadeed, Iyo khayraad dabiiciya, Hogaamiyaasha wadamadan ku dhex hirdamaya Gobalkan geeska waxa ka mid xulafooyinka dhaqaalaha isu-eryanaya ee ay kala hagayaan (United State Of America) , Iyo Dalkan imika loo bixiyey Game Changeka (China), Wadamada khaliijka carabta oo yaga uu dhex yaalo wax la yidhaa Xarbul-khaliij kaasoo lagu dhex tijaabinayo dagaalkiisa geeska-afrika gaar ahaan Wadanka Soomaaliya iyo dalalka la jaarka ah sida Somaliland, Djabouti, Kenya, Iyo Ethiopia, Yagana waxa kala qaabilsan (Qatar Iyo United Arab Emirates), Dagaalada

xoogaga dunidu ku tartamayaan waxay faa,iido u yihiin dalalka soo koraya ee dhaqaalahoodu abaqaalka yahay.
In yar aan iftiimiyo hungurayntan ay wadamadani ugu han-qal taagayaan boratanka Buq-cadan loogu jiro, Horta dalalkani dhamaantood way soo korayaan mana lahaa dhaqaale balaadhan waana quutayaasha ugu badan ee ay suuqyada caalamku wax u soo dajiyaan, Sidoo kale waxa ku yaala gobaladani marinada lays kaga kala goosho ee baddaha kuwaasi oo dhamaan dunida min koone ilaa koone lays kaga bixi karayo, Sida Marinka xeebta (Ber-bera), oo ilaa 900km u jirta xeebta ugu koonaysa (Seychelles), Halkaasina waxa aad uga dhaw albaabadii dunida loo kala marayey sida koonayaasha caalamka ee ku teedsan Badaha waaweyn, Oo yagu aduunka ku wareegsan tusaale ahaan imika xeebtaasi aan soo xusnay waxa xaga Waqooyi ka xiga (Indian Ocean), Halka (Atlantic Oceanku) , ka xigo dhinaca koonfureed, Waxay fududaynasaa in caalamka si fudud loo gaadho oo xamuulka iyo maraakiibta badeecooyinku soo maraan waliba waqti kooban ku soo galaan gobalkan geeska afrika, Waxan loo kala badinayaana waa meel wax la soo mariyo waayo marinkani waxa uu ku xidhan yahay baddihii waaweynaa kaasaan la danaynayaa in la hantiyo oo la dago si dhaqaalaha loo kasbado , Marinkani waa waxa laga quudinayaa wadamada kala Djabouti, Somaliland, Soomaaliya, Ethiopia, Kenya, ilaa Erateria, Maxaa wacay intoodaba meeshaasaa dunida ku xidhaysa oo marinadooda albaab u ah.

Mataaladaha wadamadan khaliijkuna ma,aha wax kale ee yagu waa ganac-yareyaal u adeegaya quwadaha cida loo soo marayaana waa isla yaga ama loo soo dhiibayo mashaariicda maal-galinta gobalkan Geeska-afrika, Hada waxa soo baxay saliido ama shidaalo laga helay mandaqadan kuwaasi oo intooda badan aan la daah-furin ceelashooda oo lagu hayo (Servuy), Kaliyaata waxa la banaysanayaa cida shidaalka sifayn doonta iyo meesha lagu sifayn lahaa khayraadkani , Sidoo kale yadna waxaan meesha ka madhnayn in wadamada geesku fahansan yihiin dagaalkan dhexdooda ka socda lana danaynayo khayraadka dagalkooda ku sugan, Waxay diyaar ugu yihiin mid kastaa inuu ka dheefo oo uu hantiyo Duwalkaa quwadeysan ee mashaariicda iyo danaha dhaqaale saaxiibtinimada iyo ku doonaya is kaashiga, Wadamada aad u fahansan ee kubada ciyaaraya sida waliba xirfadeysan waxa ka mid ah Djabouti, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya, Inta la aqoonsan yahay geeska gudihiisa halka ay Somalilandna la safanayso wadamada geeska kuma gacan-qabanaya ee dunida ku xidhaya.

Khal-khalka iyo halkan ay xisaabtu iska xidhi laadahay waa Duwalkan la ictiraafsan yahay ee geeska-afrika oo kala taageersan groupyadan oo ay badhkood wadamadoodii dajiyeen Sida Djabouti oo suuq caalamiya siisay dawlada China, Walibana ay furteen (Freezone), Suuq ka caagan cashuuraha kaasoo ay saluugeen wadamada (U.S.A), iyo gacan-yaraheeda u qaabilsan geeska (U.A.E), Talaabadaasina ay ku keentay wadankaa Djabouti in ganac-yare Imaaraad heshiiska Ethiopia iyo Erateria ka badheeyey si bilaa tudhida, Halka dawlada fadaraalka Soomaaliyana ay ku jirto xaalka Xaydha jecli Beerka Jecli oo ay dhex haahaabanayaan wadamada Qatar, Turki, Iyo Emirates oo aaney teelo u dhigan, Isla markaana ay maalinba meel ku rooreyso, Hadaba ma jirto uur-samaan siyaasadeed oo ka dhaxeysa imika waqti-xaadirkan wadamada Soomaaliya, Ethiopia, Iyo Djabouti ma muuqaal guud mise mid gaara hada waa dhurwaa dharaar ciyey, Halka ay Somaliland malab-sameeyaha muranka dagaalka noqday ee geesku ay yadu cidlada ku sugayso cidii soo adkaata, Waxa wax badan fahansan wadanka Kenya oo isagu ka muquurtay arimahaasi balse garab la safan, Halka ay Erateria ay ka tahay yadu wadan curdina oo cusub balse raadka ay eeganaysaa yahay dawlada weyn ee Ethiopia.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

Falan-qeeyaha Filashada Geeska.

Emial: Abdiraxmaanjeesto111@gmail.com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top