Connect with us

somalilandtoday.com

Dayaca Ka Muuqda Wadooyinka Hargaysa Iyo Mooganaanta Dawlada Hoose.

Articles

Dayaca Ka Muuqda Wadooyinka Hargaysa Iyo Mooganaanta Dawlada Hoose.

Magaalada Hargaysa oo ah caasimada Somaliland ayaa waxaa dayac badani ka muuqdaa wadooyinka ukala goosha xaafada ay ka koobantahay magaalada Hargaysi.

Dayacan ka muuqda wadooyinka ayaa ku haya caasimada dhibaatooyin ay kamid yihiin foolxumo iyo dhibaatooyin kala duwan oo ay ku hayaan baabuurta magaalada ukala goosha.

Sawiradan hoosta idiinka muuqdaa waa mid kamid ah wadooyinka mara xaafada jig jiga yar oo uu hagaajinayo nin ka soo jeeda qoomiyada oromada oo markuu dayaca ka muuqda layaabay is xilqaamay, waxaan lasoo dhigay baraha bulshada sawiradan iyo qoraalkan kooban ee la socda.

“Halkan waa xaafadda Jigjiga Yar ee magaalada Hargeysa, ruuxa hagaajinaya waddadan burbursan waa Bangaasi Yaxye oo u dhashay dalka Itoobiya gaar ahaan

Qoomiyadda Oromada ee dalkaasi.
Wuxuu ii sheegay saaka markuu ka yaabay burburka ka muuqda waddada in uu gartay inuu dhagaxaan ku guro godadka ka dhex samaysmay waddada.

Waddadanna waa mid kamid ah waddooyinka ugu isticmaalka badan xaafaddaasi.”

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top