Connect with us

somalilandtoday.com

Maxay Salka Ku Haysaa Bookhashada Madaxweynaha Soomaaliya Ee Eritrea?

focus

Maxay Salka Ku Haysaa Bookhashada Madaxweynaha Soomaaliya Ee Eritrea?

(SLT-Eritrea)-Si rasmi ah looma sheegin waxyaabaha ay salka ku hayso booqashada Farmaajo uu ku tegey dalka Eritrea oo ka yara dheer booqashooyinka ay madaxdu ku tagaan dalalka ay deriska yihiin.

Waa markii ugu horraysay ee uu madaxweyne Soomaaliyeed tago Eritrea.

Isaias Afwerki oo tan iyo 1994 dalkaas xukumayey, isaga qudhiisa wuxuu muujinayaa inuu yahay hogaamiye madaxda gobolka martigelin kara oo masiirka gobolka wax ka arrimin kara.

Faysal Rooble wuxuu ka faalloodaa arrimaha geeska Afrika, wuxuuna qabaa 2 qodob in ay booqashadan salka ku hayso.

-In Afwerki uu doonayo inuu Farmaajo kala hadlo sidii loo xallin lahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Iimaaraadka.

-In uu ka dhaadhiciyo in aysan waxba ka jirin in Eritrea ay hubayn jirtay Al Shabaab, oo uu u tuso inay ahayd dacaayad ay ka fidiyeen Meles Zenawi iyo Maraykanka.

Soo dhoweynta wafdiga Farmaajo ee AsmaraLahaanshaha sawirkaTWITTERImage captionSoo dhoweynta wafdiga Farmaajo ee Asmara

Afwerki oo gacan qaadaya wafdiga SoomaaliyaLahaanshaha sawirkaTWITTERImage captionAfwerki oo gacan qaadaya wafdiga Soomaaliya

Madaxda Eritrea, Itoobiya iyo Abu DhabiLahaanshaha sawirkaETHIOPIA MOFAImage captionMadaxda Eritrea, Itoobiya iyo Abu Dhabi

Faysal Rooble wuxuu qabaa in fursaddan culaysyada looga qaaday Eritrea ay u saamaxayso inay mar kale faraha la soo gasho arrimaha Soomaaliya.

Haddaba faa’iidada Soomaaliya ugu jirta inay la heshiiso Eritrea intee le’eg tahay?

“Labada shacab xiriir walaaltinimo oo dheer ayaa ka dhaxeeyey, xurguftu waxay ka dhaxaysay madaxda, haddii intaa la daweeyo anigu ka baqan maayo Eritrea sida aan uga baqanayo Itoobiya” ayuu yiri Faysal Rooble.

Dhinac kale marka laga eego, dadka siyaasadda gobolka indha indheeya waxay qabaan in dabayl isbeddel oo xawli ku socota ay ka dhacayso, taasoo ay Itoobiya iyo Eritrea oo dhawaan heshiiyey ay garwadeen ka yihiin.

Welise ma cadda sida ay Soomaaliya u saamayn doonto dabayshaas, inkastoo aad loo sii saadaaliyey in Itoobiya ay noqon doonto irridda laga soo galo geeska Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top