Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Muuse Yaanu Dhagaha Ka Fureysan Baaqyada Ka Soo Yeedhaya xisbiga Wadani Oo Xaalka Haka Dhigin

Articles

Madaxweyne Muuse Yaanu Dhagaha Ka Fureysan Baaqyada Ka Soo Yeedhaya xisbiga Wadani Oo Xaalka Haka Dhigin

Tan iyo intii ay dhamaatay doorashadii madaxtooyadda Somaliland 2017. Waxaa Xisbiga Wadani uu si buuxda u soo bandhigay inuu kalsoonidii uu kala noqday Gudiga Doorashooyinka Somaliland. Xisbigu kal sooni kala noqoshadaasi wuxuu ku sababeynaayey qaabkii iyo hanaankii ay Gudiga wax ku maamulaayeen oo aheyd mid qaldan oo aanay dhex u aheyn xisbiyadii tartamaayey, sidaas awgeedna aan mar dambe lagu kalsoonaan karin inay gudigani ay sii shaqeeyaan waa dooda Xisbiga Wadani ay qabaan ,waxan la soconaa in ay doorashada Golaha wakiiladdu iyo tan deegaanka ay ka hadhsan yihiin in 7 bilood oo kaliya.


Haddaba Waxaan soo jeedin lahaa in Maxdaxeynaha Muuse Bixi uu sida ugu

dhaqsaha badan uu la kulmo Masuuliyiinta Wadani si uu dhageysto wadooda isla markaana loo soo afjaro tabashooyinka uu xisbigu qabo lana saxo ama aan qala daad dambe aanu u dhicin,waxaa kale wanaagsan in qaabka loo soo xulo gudigana wax laga bedelo oo 6 xubnood ay ka yimaadan asxaabta 1 guurtida ah 1 xubin sharafeeda oo uu madaxweynuhu soo xulo.
Mudane madaxeyne haddii aan dhagaha ka fureysatid doodaha xisbiga wadani dhibaatada halkaas ka timaada adiga ayaa masuuliyadeda qaadi ,iminka waxaad tahay madaxweyne u dhaxeeya ummada oo aad garta dhageysataa sida saxna aad u qaadaa,doorashadani aad qabaneysaa waa tii kugu horeysay waana tijaabo siday u dhacdo ayaa lagu qiimeyn doonaa xaga nabadgelyada iwm.

Ahmed Ismail
ahmedbudul@hotmail,com

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top