(SLT-Indonesia)-Dhul gariir xooggan ayaa ku dhuftay deegaan dalxiiska caan ku ah oo ku yaalla dalka Indonesia, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof.
Dhul gariirkan oo lagu khiyaasay 6.4 cabirka dhul gariirada ayaa ka dhacay bartamaha jasiiradda Lombok ee dalka Indonesia subaxnimadii saaka.
Guriyo badan ayaa ku burburay dhul gariirka halka tiro dad ah ay ku dhawaacmeen, sida ay sheegeen saraakiisha dalkaasi.
Afahayeen u hadlay laanta ka hortagga masiibooyinka dalkaasi wuxuu sheegay in 40 qof ay ku dhaawacmeen dhul gariirka halka guriyo dhowr ah ay burbureen.
Afahayeenkan oo lagu magacaabo Purwo Nugroho ayaa intaasi ku daray in tirada dadka uu waxyeellada gaarsiiyay dhul gariirka la filaayo inay sare u kacdo.