(SLT-Ayolas)-Afar qof oo uu ku jiro wasiirkii wasaarada beeraha iyo ku xigeenkiisii ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed oo ka dhacay duleedka Magaalada Ayolas , wasiirka ku dhinta shilkaan ayaa lagu magacaabay Luis Gneiting, halka wasiir ku xigeenka lagu magacaabo Luis Aguirre, sidoo kale dadka shilka ku dhintay waxaa ku jiray duuliyihii diyaraadaas oo lagu magacaabo Gerardo Lopez iyo Luis Charotti oo ka mid ahaa dadkii wasiirka la saaranaa diyaarada.
Madaxa hay’adda duulista Hawada ee Dalka Paraguay ayaa Idaacadda Qaranka ee Waddankaasi u sheegay in qaar ka mid ah bur-burkii Diyaaradda laga helay goor hore meel 6-km ama (3.72 miles) u jirta Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ayolas, ka dib baaritaan socday 14 Saacadood.
Dowladda Paraguay ayaa ku dhawaaqday Saddex Cisho oo baroor-diiq Qaran ah, taasoo ka billaaban doonta Maalinta Isniinta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 30-ka July, markaas oo lasoo gaba-gabayn doona howlaha baaritaannada iyo aaska Dadkii shilka ku geeriyooday.