Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo La Kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka

(SLT-Washington)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa la kulmay Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka Mike Pence, iyagoo ka wada hadlay xidhiidhka labada dal, waxaana Itoobiya ka mid tahay saaxibada ugu weyn ee Mareykanka ku leeyahay Afrika.

Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka Mike Pence ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya is bedeladii dhanka dimoqraadiyada iyo dib u heshiisiinta uu sameeyay tan iyo markii uu xilka la wareegay.

Waxaa uu balan-qaaday in Mareykanka uu taageerayo horumarka ka jira Itoobiya iyo sidii loo sii wadi lahaa.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa booqasho ku jooga dalka Mareykanka, halkaasoo uu kulamo kula qaadanayo madaxda dalkaas iyo kuwa deeq bixiyeyaasha, sidoo kale waxaa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Itoobiya ee ku dhaqan Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top