Connect with us

somalilandtoday.com

Muraad ma haddu baraarugay!…W/Q Maxamed Sidiiq Dhame

Articles

Muraad ma haddu baraarugay!…W/Q Maxamed Sidiiq Dhame

Muraad ma haddu baraarugay !
Burco la wada leeyahay ayaa kaaga mudan Somaliland la wada leeyahay, Degmada aad joogto caddaalad iyo sinnaan ayay kaaga baahantahay. Muddo xileedkaaga waxqabad iyo wanaag midna lagaama arag waxaan ka ahayn qoqob iyo qabyaalad. Somaliland lawada leeyahay qarankaa u baahan.


Xilligii doorashada waxaad si cad u qaybisay magaalo aad madax u tahay, ma xasuusataa maalinkaad ku baanaysay kumanaanka kun ee doollar iyo codka ee aad Kulmiye u ballan qaadaysay,

bagaad maanta eedday codkaagii iyo cuudkaagii. Codkaaga haddi aad u bixin lahayd maxaa shacabka u dan ah maad cataabteen oo ilmada yaxaaska maad qubteen.
Muraad masuul ka qabyaalad badan ma arag, odhaahda adeerkaybaan ka xishoonaayay intuu madaxweynaha ahaa, qaaq qadhaadha. Mase loogu garaabayo. Haddi uu aaminsanaa in dawladnimo qoys tahay waa nasiibkii. Madaxnimada iyo hoggaamintu waa adeegidda ummadda, ilaalinta midnimada, saryeelida shacabka, sinnaan iyo caddaalad.
Kulmiye shalayna qaranka wuu innaga xaafadeeyay, maantana waa xaafaddi! Halganka inna horyaal maaha ka Maayar Muraad ee ah adeerkaa ka qallee, haybadda dawladnimadu iyo xaqa muwaaddnimo sidaa maaha, waase xaq sheegid iyo in aanad u lumin xuquuqdaada muwaadin Madaxeeynuhu waa reerkinne aqbal wax kasta oo qarriban.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top