Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Loo Xaadhay Waddadii Uu Mar Kale Isku Soo Sharixi Lahaa

focus

Madaxweynaha Dalka Uganda Oo Loo Xaadhay Waddadii Uu Mar Kale Isku Soo Sharixi Lahaa

(SLT-Uganda)-Maxkamadda dastuurka ee dalka Uganda ayaa waddada u xaartay in madaxweyne Yoweri Museveni uu isa soo sharixi karo markii lixaad hadduu doono.

Maxkamadda ayaa ayidday isbadalkii uu baarlamaka dalkaasi ku sameeyay dastuurka ee meesha ka saaray da’da madaxweyne lagaga noqon karo dalkaas oo ku ekayd 75 jir.

Madaxweyne Yuweri oo 73 jir ah ayaa talada Uganda soo hayay in kabadan 30 sano wuxuuna xilka qabtay 1986dii.

Mid ka mid ah garsooreyaasha ayaa sheegay in shacabku ay wali haystaan awoodii ay xilka kaga hor istaagi lahaayeen iyagoo codkooda dhiibanaya.

Wali ma cadda in madaxweyne Museveni uu xilka isu soo sharixi doono sannadka 2021ka.

Dastuurka dalkaas ayaa dhigayay in madaxweynaha si rasmi ah loo dooran karo labo jeer oo min shano oo kali ah, balse baarlamaanka ayaa qodobkaas meesha ka saaray 2005.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top