(SLT-Hargeysa)-Warkan ku saabsan ilmaha ay Brigitte Nielsen ku dhashay iyada oo 54 jir ah ayaa noqday mid soo jiito haweenka da’da ah ee ilmaha doonaya.
Haweeneydan oo 54 jir ah gabdheeda ay dhashay bishii June oo la yirahdo Frida, cambaareyn haba la kulantee waxay si weyn u difaaceysaa go’aankeeda.
“Dumarka qaar ayaa waxay leeyihiin ‘Alla ilaahayoow’, badanaa rag badan oo ilmahooda ugu horreeya ku dhalay 60 jir ama 70 jir, haddana aan welwel ka qabin ilma la’aanta.
Brigitte wargeyska the people magazine waxay u sheegtay “Iney si weyn u ixtiraameyso aragtida dadka waxaanna aaminsanahay iney dadku jeclaanin tallaabada aan qaaday, balse tani waa mid quseyso noolasha aniga iyo seygeeyga waxaana naga dhaxeeysa xiriir aad u adag”.
Nielsen waxay guursatay Matia Dessi oo 39 jir ah sanadki 2006 kaddibna waxay keydsatay ugaxda (ukunteeda) iyada oo 40 jir ah, waxayna sheegtay iney haweenka da’da ah 3-4% ay fursad u leeyihiin iney dib ugu dhalaan ukunta ay iyagu leeyihiin, waxaana lagu guuleystay 14 sana kaddib iyada oo muddadaa ay xaruunta IVF ay ku howlaneed sidi ay haweeneydaan ilmaha ay dooneyso u heli lahayd.
Frida waa gabadhi ugu horreysay oo ay u dhashay Dessi, gabadhan jilaaga ah oo u dhalatay Denmark waxay ninkeedi hore u dhashay 4 wiil
Hooyanimada dhalmadeynta kaddib
Hooyooyin badan oo da’ ah oo doonaya iney ubad dhalaan iyaga oo ay da’doodu 40 jir dhaaftay ayaa soo badanaya wixi ka dambeeyey 1990.
Xafiiska tirakoobka dadweynaha (ONS) warbixin uu soo saaray ayaa wuxuu sheegayaa in 2016-ka ay kor u kacday dhammaan tirada haweenka da’da ah ee doonayo iney ilma dhalaan, halka kuwa ay da’doodu kor u dhaftay 40 jir ay kordheysay oo keli ah 2%.
Warbixinta si gaar ah uma cayimin haweenka da’da 50 jirka ah balse waxay sheegtay haweenka da’doodu ay u dhaxeyso 40 ilaa 50 jirka ee doonaya iney ubad dhalaan iney sii kordheyso.
Dr janine Elson, oo ah madaxa koox dhakhaatiir ah oo ka howl gasha dhakhtarka IVF ee ka shaqeeyo arrimaha dhalmada waxay sheegtay, tirada haweenka doonaya iney ku dhalaan markay da’doodu gaadho 50 iyo wixi ka sarreeya waxaa loo diyaariyey buug yar oo macluumaad iyaga u khaas ah oo lagu daabacay.
Waxayna intaa ku dartay iney haweenka waaweyn ay dhalayaan carruur caafimaad qabta. Haweenka ay da’doodu 50 jirrada gaadhay intooda badan waxay u baahan yihiin iney helaan ukun tabbaruc ah, waa haddii ay horay u sii keydsanin ukuntooda inta aan xilliga ay dhalmada ku deynayaan la gaarin.
“Waxaanse baaritaan qoto dheer ku sameeynaa haweenka 50 jirrada gaara, inta aan arrinta ilma beeridda guda gelin maadaamaa ay haweenkaasi u nugul yihiin inuu ku dhaco macaanka, beer subagga iyo kaansarka naasaha ku dhaca”.
Haweenka inta badan ku dhalo 30 jirrada iyo wixi ka dambeeya waxay khatar ugu jiraan iney ku dhacaan cudurrada ay ka midka yihiin dhiig karka, macaanka uurka la xidhiidha. Haddii ay ukuntooda (ugaxdooda) isticmaalayaan, dheecaanka hidda raaca oo yaraado ayay la kulmaan markasta oo ay da’doodu korodho.
Balse dumarka 50 jirrada ah wax dhib ah kalama kulmaan naas nuujinta, balse waxay la kulmayaan dhalma deynta kaddib culeysyo uga yimaaddo xagga ilmaha maadaamaa ay ilma haynta iyo dabeecadaha korintaba mudda ugu dambeysay intey kala qabsaneyso ay dhibaatooyin kala kulanto.
Dr Elson waxay intaasi raacisay: “mar haddii aad horay u soo uureysan jirtay waxaa dhammaanaya hormoonnada dhalmada la xidhiidha maadaamaa ay ka dhammaadeen waxay hooyadu la kulmayaan hurda la’aan xilliga uu hoooyadu ilmaha hurdada ka kicinaya.
“Haweeneka 50 jirrada ah ayaa waxay dareemaan dareen farxadeed oo ka wanaagsan haweenka da’da yar”
Taageera la’aanta haweenka da’da ah
Arrinta kale oo in la tixgeliyo u baahan waxay tahay haweenka waaweyn markaan ka hadleyno waxay u baahan yihiin taageero gaar ah. Sida oo kale haweenka inta badan 40 jirrada ah ayaa waxay ku badan yihiin jaamacadaha iyo dugsiyada waxbarashada waxayna intooda badan doonaan iney ku dhalaan 40 ilaa iyo 50 jir markay gaaraan.
Dr Zeynab Gurtin, waa cilmibaadhe sare oo baaritaanna badan ku sameeysay arrimaha haweenka islamarkaana ka shaqeysa dhakhtar ay haweenku leeyihiin oo ku yaallo London, waxay soo booqatay xaruunta cilmibaadhista arrimaha qoyska ee ka tirsan jaamacadda Cambridge.
waxayna sheegtay, “Dhamaan hooyooyinka iney u baahan yihiin iney taageera gaar ah helaan, arrinta ugu muhiimsan ee u baahan in fiira gaar ah la siiyo waa taa maxaa yeelay haweenka waaweyn taageera gaar ahaaneed ma helaan”.
Gartin iyada oo taageereysa Brigitte Nielsen waxay sheegtay inaan haweenka da’da ah iyo ragga da’da ah aan isku si loola dhaqmin oo haweenka da’da ah si xun loola dhaqmo oo la liido.
“Cidna kama aysan hadal marka George Clooney uu ilma mataana ah ku dhalay isaga oo 56 jir ah. Arrintiisa waaba la iska illaaway xataa in laga hadlo, amaba si weyn loogama hadlin.”
“Dhinaca kale haweenka, ayaa lagu tilmaamaa iney yihiin kuwa naftooda dayacay maadaamaa da’di hooyanimada munaasabka ku ahayd ay dayaceen xilli aan loo baahneenna ilma raadinayaan”
Dhakhtar haweenka ee London haweenka ay da’doodu gaadho ilaa iyo 54 jir wuxuu ugu adeegaa deeqda ukumaha (ugxaanta) ay dadka tabarrucayaasha ah ka helaan.
“Ma jiro wakhti ka lumay UK, waxaan ku soconeynaa wax kasta oo aan isleennahay waa suuragal, inaga oo tixgelineyna daryeelka carruurta”.
Inta u dhaxeysay 2004-ta ilaa 2015-ka waxaa dhakhtarka London ku soo badanayey gabdhaha yaryar ee ukuntooda ku keydsanaya keydka dhakhtarka.
Sida uu dhigayo nidaamka uu ku shaqeeyo dhakhtarka IVF wakhti xaadirkan wuxuu qaabilayaa oo keli ah haweenka ay da’doodu gaareyso ilaa iyo 42 jir.
Xigasho; BBC