Connect with us

somalilandtoday.com

Hellow Madaxwayne Somaliland Ma Badbaadinaa.

Articles

Hellow Madaxwayne Somaliland Ma Badbaadinaa.

Somaliland Shacbigeeda Waxaa Soo Martay Ama Kugudajiraan Marxalad Aan Habooneen Sidaad Ogtahay Waxaa Ina Soo martay Doorasho Dadka Si xun Ukala Qaybisay Oon Bulshadii Walaalaha Ahaa Kala Irdheeysay Hadaba Magaalo Walood Tagto Ee Somaliland Bulshada Dagtaayi Waxay u Qaybsameen Laba ama Sadex Dhinac oo Nin Waliba Reerkiisa Ayuu Doorbiday.

Xaafadi Xaafad uma Wareegto Dab lama kala Qaato.Durruf Adag baa lagu Jiraa

Hadaba Dhibta Taala Maxay tahay…

In Somaliland Shacbigeedu Uqaybsameen Qabaiil
in Aan lakala Qaadan Dabka xataa
In Qabaail Loo Qaybsanyahay
In Duruufo Coladeed Taagan yihiin Dalka
In Dhulbahante Wax Tirsanyo
in Garxajis Wax Tirsanayo
in Awadal Saami Qaybsigaku Qanacsanayn.
In Dhaqaalha Wadanku

Iska liito
In Somalia ay Inaga Xidheen Deeqaha Dunida Inaga Xidheen.
Inagu Gudaheena Aan Sax ahayn.
In Dunida Aan Lahadli Karayn.

Hadaba Sideen Ubadbaadinaa Somaliland

1- Shirwayne Qaran Xukuumadu Ha Soo Abaabusho
2- Mucraid iyo Muxaafidba Danta Umada Halo Midoobo
3- In Safiirada Somaliland Galaan Heegan Qaran iyo Dhamaan Xukuumaduba.Sidaan Qaranka Deeqo Loogu Raadinlahaa
4- In Madaxwaynuhu Tanaasul Sameeyo.
5- In Shacbigu Runta Sheego
6- in Loo Duceeyo Somaliland Waliba Masaajidada Loogu Duceeyo.
7- In Qorshe Loo Midaysanyahay lakeeno.

Ugu Danabayn Saxiibayaal Aniga Waxaan Uwalwalayaa In Somaliland Burburto Shalay Wiil Dhalinyaro Ahbaan Ahaaa Maan Garanayn In Ay Simaliland Sidaas Wax udhacayaan.Waayo Ka mid Baan Ahaa Qaranbaan Ka Doortay Qabiil.

Shacbigu Raali HAgi Ahadaan Dhamaantood.

Qaranka Aan Baadbaadsano Hadii Kale Dib ugu Dhoqnaynaa Shalay …..

Gudoomiyaha Xarunta Horumarinta Bulshada

Garyaqaan Rajab Ismail Salah.
0634416899

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top